Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo dalalka Caalamka ugu baaqday in ay Maal-gashi ku sameystaan Soomaaliya

 Wasiirka A. DibaddaRa’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ahna wasiiradda arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ugu baaqday dalalka caalamka inay maal-gasho ku sameystaan Soomaaliya, kaddib isbedel dhinaca ammaanka ah oo ka dhacay sida ay ku sheegtay wareysi ay siisay wakaaladda wararka Shiinaha ee Shinwaa

Marwa Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in falalkii burcadbadeednimo ee xeebaha Somalia ka dhici jiray ay hoos u dhaceen, lana wiiqay awooddii argagaxisada, taasna ay dhiirri-gelin u tahay ganacsatada caalamka inay Soomaaliya maal-gashi ku sameystaan, maadaama uu hodan ku yahay khayraadka dabiiciga ah.

Wasiiradda oo Niarobi kula hadashay Shinwaa waxay Tiri: “Waxaan leennahay laba dhibaato oo midi ay tahay burcadbadeedda midda kalena ay tahay argagaxisada”.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in 80% ay hoos u dhaceen falalkii burcad-badeednimada marka loo eego labadii sano ee lasoo dhaafay, waana horumar la gaaray ayay hadalkeeda ku dartay. Waxay kaloo xustay in laga gaaray horumarro dagaallada lagula jiro Al-shabaab, iyadoo taageero ay ka geysteen ciidamada AMISOM iyo Midowga Yurub oo dhaqaalaha bixiyay.

Wasiiraddu oo hadalkeeda sii wadata waxay ku dartay: “Hadda inta badan dhallinyarada yar-yar waxay billaabeen inay Al-shabaab isaga soo tagaan, taasoo ku keentay niyadda iyo dhaqaale la’aan, waayo innagu waxaan kala wareegnay dhul ballaaran”waxayna raacisay:  “Waxaan xoreynay deegaanno badan iyo gobollo badan, waxaana ku taagannahay lugtii ugu dambeysay oo aan Al-shabaab dalka uga saari lahayn.”

Dhanka kale, Wasiiraddu waxay sheegtay maadaama uu ammaanka dib u soo laabtay in Soomaaliya ay u baahan tahay dalka Shiinaha oo kale ah oo ka caawiya sidii dib loogu dhisi lahaa dalka, gaar ahaan kaabayaasha bulshada, gaar ahaan waddooyinka, iskuullada, isbitaallada iyo wixii la mid ah, kaddib 22-sano o colaado ah.

Marwa Fowziyo ka hadlaysa Argagixisada  waxay tiri: “Argagaxisadii waan cirib-tirnay hadda, sidaa daraadeed dalkan dahan wuxuu u baahan yahay maal-gashi. Waxaan doonaynaa in shacabka Shiinuhu ay arrintaas ogaadaan haddii ay doonayaan inay Soomaaliya yimaadaan oo ay maalgashadaan.”

Gabagabdii, wasiiraddu waxay sheegtay in maal-gashadayaasha caalamka ee doonaya inay Soomaaliya yimaadaan si ay maalgashi ugu sameystaan ay soo dhaweynayaan ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ku imaan karaan, iyagoo heli doona ammaan ku filan.

SomaliSwiss        Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: