Wafdigii uu Hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan_Kampala_Wafdigii uu Hoggaaminayey  Madaxweyne Xasan Sheekh  ayaa  si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda, waxayna ka qayb-galaan shirka dalalka ay ciidamada AMISOM ka joogaan Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa wasiirka difaaca, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Sh. C/qaadir, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale. Waxaa sidoo kale Kampala ku sugnaa wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf X. Aadan.

Sida lagu wada  Madaxweynuhu wuxuu gellinka dambe ee maanta  kulan la yeelanayaa dhiggiisa  Madaxweyne dalka Uganda, Yuweri Musaveni, kaasoo ay kaga wada-hadli doonaan xiriirka labada dal, ciidamada AMISOM iyo shirka dalalka ay ka socdaan ciidamada jooga Soomaaliya oo berri ah ka dhici doono Kampala.

Shirkan ayaa waxaa shir guddoomin doona Madaxweyne Yoweri Museveni, waxaana ka soo qayb-geli doona madaxda dalalka: Uganda, Burundi, Sierra Leone, Jabuuti iyo Kenya oo ay dhammaandoo ka joogaa Soomaaliya ciidammo nabad ilaalin ah.

Shirkan ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha dowladda Federaalka  Soomaaliya inuu halkaas khudbad taariikhi ah ka jeediyo shirka oo berri ka dhacaya Kampala, isagoo uga mahad-celin doona  dalalka ciidamada u soo diray Soomaaliya dadaalka ay ku bixinayaan sidii ay Soomaaliya u noqon llahayd dal nabad ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia waxuu ka warbixin doonaa horumarka ballaaran oo ay dowladdu ku tallaabsatay; gaar ahaan dhanka dagaallada laula jiro Al-Shabaab, tababarrada joogtada ah ee ciidamada Soomaaliya la siiyo iyo dib u habeynta socota ee lagu sameynayo hay’adaha amniga dalka.

Dhanka kale Booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Uganda ayaa qaadan doonta laba maalmood, isagoo inta uu halkaas ku sugan yahay kulammo la yeelan doona mas’uuliyiinta dalalka kale ee kasoo qeyb-gali doona shirkan.

Si kasta ha ahaatee Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Somalia ay dhaliilsan tahay kaalinta ay ciidamada Kenya ee qabtay ka ah AMISOM ka qaateen howlaha nabad ilaalineed ee Soomaaliya, iyadoo dowladdu ay ku eedeysay inay ka qahbgaleen dagaallo ka dhacay Kismaayo.

SomaliSwiss        Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: