Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud oo Saaka U Ambabaxay Dalka Uganda.

Madaxweyne Xasan  Dib MuqdishoWafdi uu hogaaminayo  Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saaka ka ambabaxay garoonka diyaaradah Muqdisho,  isagoo kusii jeeda magaalada Kambala halkaasi uu kaga qeybgalidoono shirka madaxweynayaasha dalalka ay ciidamadu ka joogaan dalkeena Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu ka qeybgalo shirka ka furmi doona dalka Uganda, kaasoo uu martigeliyay madaxweeynaha dalkaaasi Yuweri Musevina, waxaana la filayaa in shirkaasi diirada lagu saaro sidii loo  qalabeyn lahaa ciidamada AMISOM ee howlgalka ka wada Soomaaliya iyo sidoo kale sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, si ay ciidamada AMISOM ugala wareegaan mustaqbalka ammaanka dalka Soomaaliya oo dhan.

Afhayeenka Madaxweynaha C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo la hadlayey warbaahinta wuxuu yiri: ‘’Maanta waxaa magaalada Kambala ka socda shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya,  waxaana ka qeybgaleysa Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Berina waxaa furmaya shirka madaxda wadamadaasi’’ Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Madaxweynaha Eng Yariisoow.

Sidoo kale Eng Yariisoow oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in shirkaasi ay goob joog ka noqon doonaa deeq bixiyayaasha caalamka, wuxuuna intaa uu raaciyey ee uu yiri: ‘’Soomaaliya waxey shirkaasi la hortagi doontaa sidii loo tayeeyn lahaa ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya si ay mustaqbalka ula wareegaan amaanka guud ee dalka iyo sidii AMISOM looga saacidi lahaa waxyaabaha aysan uga maarmin howlgalkooda’’.

Dhinaca kale kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ay Madaxweynayaasha wadamada ay ciidamadu ku sugan dalka Soomaaliya,  waxaana la filayaa iney ka soo baxaan go’aanno waxtar u leh ummadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: