Ciidamada Dowladda oo howlgal dad lagu soo qabqabtay Ka Sameeyay Degmada Heliwaa ee G/Banaadir.

BaarisMaamulka degmada Heliwaa ee  gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay howlgal lagu soo qabqabtay ilaa Sadex qof oo qeyb ka ahaa weerar xalay Lagu soo qaaday hoyga gudoomiyaha Degmada Hiliwaa.

Mudane Max’ed Yuusuf Askari oo ah  Godoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo arimaha bulshada ee degmada Heliwaa ayaa u waramey  Warbaahinta u sheegay in weerar banbaanooyin ah ay xaley maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ku soo qaadeen hooyga guddoomiyaha degmada isagoo xusay in ciidamadu fashiliyeen weerarkaasi.

Godoomiye ku xigeenka waxa uu sheegey in weerarka kadib ay ciidamada howlgal ka sameeyeen xaafado ka mid ah degmadaasi,  isagoo intaa ku daray in ciidamadu ay howlgalkaasi ku soo qabqabteen Sadex dhalinyaro ah iyo Bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Sidoo kale Mudane Max’ed Yuusuf Askari ayaa sheegay in ammanka degmadu uu hagaagsan yahay ciidamaduna ay wadaan howlgallo joogta ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee degmadaasi.

Dhinaca kale waxaa maalmihii u danbeeyay degmooyinka gobolka Banaadir ka socday howlgallo isdaba joog ah oo ay wadeen ciidamo lagu magacaabo Birmadka dagdaga ah kuwaas oo ah ciidamo si gaar ah loogu tababaray sugidda ammaanka.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: