Afhayeenka AMISOM: Waxaan ka Shaqeynaynaa, sidii aysan Qaraxyo ambe uga dhacin Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka_AMISOM_Col_XumadCol. Cali Aadan Xumad oo ah Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa wuxuu maanta la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay inay ka shaqeynayaan sidii aanay Muqdisho mar kale uga dhici lahayn qaraxyo lagu dhibaateeyo shacabka Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Xumad ayaa sheegay inay horay u ballanqaadeen xoojinta amniga guud ee magaalada Muqdisho iyo hay’adaha samafalka ah ee kaalmeynaya dadka Soomaaliyeed aan loola beegsan lahayn qaraxyo lagu dhibaateynayo.

Col. Xumad oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho wuxuu yiri: “AMISOM waxay horay u ballanqaaday adkeynta ammaanka Muqdisho, taasna waa hadafkeenna koowaad, waxaana ku celinayaa inaan ka shaqeyn doonno sugidda ammaanka hay’adaha samafalka ah”.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in qorshahooda ku aaddan sugidda ammaanka hay’adaha samafalka ay tahay sidii ay u caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray ee uu yiri: “Waxba ka hagran mayno sugidda ammaanka hay’adaha samafalka, horayna waan u sheegay, waayo waxaan doonaynaa in dadka Soomaaliyeed ay si nabad ah ku helaan gargaarka caalamku ugu talogalay”.

Warar ayaa sheegay in inta badan waddooyinka soo gala dhismayaasha ay Muqdisho ka deggen yihiin hay’adaha samafalka ayaa la xiray, taasoo lagu macneeyay sidii looga hortegi lahaa weerarro ismiidaamin ah oo ay Al-shabaab ku qaaddo xarumaha hay’adaha samafalka.

Dhanka kale, waxaa la xiray waddooyoinka magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn sababa keenay in la xiro, waxaana saaka loo diidayay waddooyinka waaweyn sida isgoyska KM-4 in gaadiidka gaarka loo leeyahay iyo kuwa dadweynuhu ay maraan.

Ha yeesgee hadalka afhayeenka AMISOM ayaa kusoo beegmaya iyado labadii bilood ee la soo dhaafay lala beegsaday qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro toos ah xarumo ay Muqdisho ka deggen yihiin Qaramada Midoobay iyo Turkiga oo u jooga Soomaaliya caawinta shacabka Soomaaliyeed.

Balse weerarradan ayaa waxaa dhammaantood sheegtay Al-shabaab oo xustay inay kaga jawaabayso qorshayaal ay ku sheegeen kuwo gurracan oo lala damacsan yahay shacabka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: