Dhismaha Masjidka Jaamaca ee magaalada Baardheere oo howshiisa Si rasmi ah u billaabatay.

Masjid_Bardhere.jpg1Waxaa  gudaha magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo  ka billaabmay  Howlo   isugu jira balaarin iyo dumin, islamarkaasna dib u dhis lagu sameynayo Masjidka Jaamaca ee Khadiimiga ahaa ee ku yaala bartamaha magaalada Baardheere oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 320-sano oo ahayd xilligii Baardheere la degay, iyadoo ujeedada dhismaha Masjidkuna ay tahay Balaarin. Continue reading

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo maanta ka qaybgalay shir beesha caalamka ku yeesheen magaalada Muqdisho…..

Madaxweyne Hassan-and-EU-.jpg2Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qaybgalay shir beesha caalamka ku yeesheen maanta Muqdisho kaasoo looga hadlayay shirka 16-ka September ka dhici doona magaalada Brussels ee looga halayo arrimaha Soomaaliya. Continue reading

Madaxweynaha Soomaaliya oo Ku Wareejiyay Ururka Midowga Yurub Dhul ay ka dhistaan Xafiisyadii ay ku shaqeyn lahaayeen.

Madaxweynaha oo dhul_EUMadaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta ku wareejiyay, Nick Westcott oo ah agaasimaha Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Afrika waraaqihii dhul bixinta si Midowga Yurub ay xafiisyadooda ugu soo raraan gudaha Soomaaliya ayna si rasmi ah uga howlgalaan. Continue reading

Degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo Saakay barqadii ka dhacay qarax lala beegsaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Gaari qarxay.jpg1Qarax xooggan ayaa Saakay barqadnimadii ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, kasoo ka dhashay gaari ay wateen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo xildhibaannada kasoo gaaray qaraxaas. Continue reading

Dnjire Nicholaas Kay oo sheegay in Awooddii Al-shabaab hoos loo dhigay, balse weli kooxdaas waxay khatar ku tahay amniga Soomaaliya.

Nick-Kay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in awooddii Al-shabaab hoos loo dhigay, balse ay weli tahay khatar muuqata oo Somalia ka jirta

Sida la wada ogsoon yahay Nicholas Kay ayaa wuxuu bishii lasoo dhaafay la wareegay xilka Qarmada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalkii ay la galeen kooxda Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox xag-jir ah. Continue reading

Madaxweyne Xasan sheikh oo sheegay in muddadii ay jirtay Dowladda ay diyaarisay kumannaan ciidammo ah.

Madaxweynaha Soomaaliya.jpg1Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in muddadii ay jirtay dowladda ay diyaarisay ciidammo gaaraya 5,000 oo askari oo loogu talogalay sugidda ammaanka dalka. Continue reading

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo Shaaca ka qaaday in Ciidamadooda ay la sii Dagaalami Doonaan Xoogagga Al-shabaab

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya

Mr. Tedros Adhanom oo ah Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa, wuxuuna sheegay in ciidanka Itoobiya ay ka baxayaan magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya oo horay ay ugu saareen Al-shabaab, balse taasi macnaheedu uusan ahayn in faraha ay laabteen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab. Continue reading

The Council prepares for Somalia conference

Somalia & EuropianAt the Council meeting on 22 July 2013, EU foreign affairs ministers discussed the situation in Somalia and the preparations for an international conference on Somalia. Continue reading

Guri ku yaala Degmada Wadajir oo saakay qarax dhacay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ka wada howlgal baaritaan ah.

Qarax-MuqdishoWar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay uu qarax dhacay Guri ku yaala Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir, waxaana Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka wada howlgal baaritaan ah. Continue reading

Ururka Midowga Yurub oo baaq u diray Wadamada deriska La ah Soomaaliya

european unionUrurka Midowga Yurub ayaa uga baaqay wadamada la deriska ah Soomaaliya inay ka qeybqaataan xasilinta iyo wada-hadallo siyaasadeed oo Soomaaliya ka dhaqan gala. Continue reading

Maamulka Gobolka Minnesota (USA) oo taageeray in dib u eegis lagu sameeyo sharciyada socdaalka iyo soogalootiga.

McCollum.jpg1Waxaa maanta Magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota  ee wadanka Mareykanka ka dhacay shir lagu taageerayo dib u habeynta sharciyada  dadka soogalootiga ah  ee dalka Mareykanka, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Betty McCollum oo ah Congresswoman ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga oo laga soo doorto gobolka Minnesota. Continue reading

Qaramada Midoobay oo dalbatay Malaayiin Doollar oo lagu caawinayo dadka ku Dhibaateysan Gudaha Soomaaliya.

filippo lazirana Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay 20-milyna oo doollar oo dheeraad ah si loogu caawiyo dadka Soomaaliya ku dhibaateysan, gaar ahaan caruurta. Continue reading

Sirdoonka Maraykanka oo la sheegay inay dileen wadaad xagjir ah oo tirsanaa Al-Shabaab, kana soo jeeda wadanka Kenya.

Shabaab Kenyaa.Wargeyska lagu magacaabo The Star oo ka soo baxda wadanka Kenya ayaa waxaa lagu qoray in sirdoonka Maraykanka ay ka danbeeyen dilka wadaad xagjir ah oo kasoo jeeda wadanka Kenya, kaas oo lagu magacaabo Cabuud Rogo oo sanad ka hor lagu dilay wadanka kenya. Continue reading

Kooxda Al-Shabaab oo falal Isugu Jira Dil, Afduub iyo Dhac ka wada deegaano katirsan Gobolka Hiiraan iyo dadka deegaanka oo wada abaabul ay kaga hortagayaan.

al-shabaabMaleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa falal isugu jira Dil, dhac iyo boob u geystay xoolo dhaqato ku nool deegaanka Goobo oo hoostagta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Continue reading

Xarakada Al-shabaab oo Baraawe ku soo Bandhigay dhoolla-tus ciidan iyo Awoodda Dagaalyahannadeeda.

Bandhig Al-shabaab Xarakada Al-shabaab ayaa shalay ciidamo badan oo xiranaa dharka milateriga Soomaaliya kusoo bandhigtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ka mid degmooyinka ay  ka taliso, waxaana halkaas hadal ka jeediyay mas’uulka Al-shabaab u qaabilsan gobolkaas, Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla Continue reading

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo shaaciyay in dalkiisu uu gacan ka geysanayo Tababaridda iyo Dhismaha Ciidamada Soomaaliya

Hailemariam DessalegnRa’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Dessalegn ayaa sheegay in dowladdiisu ay gacan ka geysnayso sidii dib loogu soo celin lahaa ammaanka iyo deggenaashaha Soomaaliya, kaddib kulan uu Addis Ababa kula yeeshay wasirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi. Continue reading

Xildhiabannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta Ansixiyay heshiis Milateri oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga

Barlamaanka.jpg3Xildhibannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku ansixiyeen heshiis dhinaca milateriga ah oo dhexmaray dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, taasoo dowladda Turkiga ay ku dhisayso xarumaha ciidamada Soomaaliya. Continue reading

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan saacado qaatay la yeeshay saraakiisha Milateriga, kalana hadlay Ammaanka.

Madaxweynaha iyo SaraakiishaMadaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan muddo saacado ah qaatay la yeeshay saraakiisha ciidamada xoogga dalka, isagoo kala hadlay sidii ammaanka loo xoojin lahaa. Continue reading

Hay’adda MSF oo Kenya ka codsatay in dib loo dhigo Qorshaha lagu daabulaya Qoxootiga Soomaalida….

msf2Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF oo ka mid ah hay’adaha ka howlgala xeryaha dhadhaab ee Kenya ayaa ugu baaqay xukuumadda Nairobi inay dib u dhigto qorshaha dib loogu celinayo qoxootiga Somaaliyeed ee ku jira xeryahaas. Continue reading

Qaramada Midoobay oo ka Walaacsan sharciga Saxaafadda ee dhawaan ay soo gudbiyay Xukuumadda Soomaaliya, Golaha Barmaanka.

UN_Office,_GenevaSida la wada ogsoon yahay waxaa ayaamahanba ay hay’ado Caalami ah ay ka walaacsanaayeen sharciga cusub ee la xiriira Saxaafadda ayaa haddana waxaa taas ku soo biirtay Qaramada Midoobay oo walaaca xooggan ka muujiyay sharciga qabyada ah ee saxaafadda Soomaaliya oo ay dhawaan ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya, Continue reading

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo QM ka Codsaday in baritaan madax banaan lagu sameeyo lacagta la shegay in Bankiga lagala baxay.

???????????????????????????????Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa Codsi u diray Qaramada Midoobay si Bankigu loogu Sameeyo baritaan madax-banan, si loo xaqiijiyo warbixintii ay soo jeediyeen kooxda QM ee dabagalka arimaha Somalia iyo Eretria ay Bankiga ku eedeyen in lacag sharci dara ah laga baxay Bankiga. Continue reading

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo beenisay eedeynta Gudiga kormeerka QM u qaabilsan cuna-qabateynta hubka Soomaaliya iyo Eritrea.

Eng-yariisowDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay eedeymo gudiga kormeerka QM u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, taasoo ah in malaayiin lacag ah lagu bixyay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday magaalada Muqdisho uuna ku guukeystay madaxweynaha hada talada haaya ee Xasan Sheekh Maxamuud. Continue reading

Wasaaradda arrimaha dibada ee Ethiopia oo faahfaahin ka bixisay ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee magaalada Baydhabo,

Ambassador Dina MuftiDowladda Federaalka Ethiopia ayaa faahfaahin ka bixisay ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee magaalada Baydhabo,  iyadoo ku caddeysay iney sii wadi doonto la dagaalanka argagixisada Shabaab. Continue reading

Ra’iisul wasaare Saacid: “Heshiiska Istanbuul waa talaabo loo qaaday dhanka dib u heshiisiinta iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.”

Golaha_WasiiradaGolaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta oo khamiis ah soo dhaweeyeen heshiiskii ay guddiyadii ka socday Soomaaliya iyo Somailand ay ku kala saxiixdeen toddobaadkii hore magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Continue reading

Wafdiga uu horkacayay u qeybsanaha arrimaha bini‘aadaminada Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya oo booqday Kismaayo.

 

Wafdi_UnMagaalada Kismaayo waxaa maanta gaaray wafdi ka socday hay’adaha qaramada midoobay u qaabilsan arimaha bini‘aadaminada, iyadoona wafdigu uu booqday qeybo ka tirsan magaalada Kismaayo. Continue reading

Ururka Isku-tagga Suxufiyiinta Caalamka ee (IFJ) oo Walaaci ka Muujiyay Sharciga cusub ee Saxaafadda Soomaaliya.

IFJ_Logo.jpg1Ururka isku-tagga suxufiyiinta caalamka ee IFJ ayaa muujisay walaaca ay ka qabto sharciga saxaafadda ee dhawaan ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya, iyadoo sheegtay in sharcigan uu meel kaga dhacayo xorriyadda saxaafadda Soomaaliya. Continue reading

Ganacsade Somali ah oo Dhac iyo Dil loogu geystay Magaalooyinka Johannesburg iyo Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika.

KONICA MINOLTA DIGITAL CAMERAGanacsade Soomaali ah ayaa lagu dilay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo sidoo kalena dhac loo geystay shalay dukaamo ay ganacsato Soomaaliyeed ku lahaayeen magaalada Pretoria ee xarunta dalkaas. Continue reading

Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan oo maanta Qarax lagula beegsaday Magaaladaas.

Booliska AmisomWaxaa Barqadnimadii maanta  magaalada Kismaayo ka dhacay qarax xooggan oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo marayay mid kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo. Continue reading

Wasiirka Gaashaandhigga Federaalka Soomaaliya oo kulamay Madax Sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Wasiirka Gaashaandhigga.jpg2Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi oo ah Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay gelinkii danbe gaaray dalka Itoobiya ayaa waxa uu kulamo la qaatay madax ka tirsan dowladda Itoobiya kuwaasoo uu kala hadlay arimo ku saabsan iskaashiga labada dal. Continue reading

Madaxa arrimaha dibadda Ururka Midowga Yurub oo ka hadashay shir looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya.

Catherine-Ashton1Mis Catherin Ashton oo ag madaxa Siyaasadda Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadashay shir la doonayo in looga hadlo dib u dhiska Soomaaliya oo bisha Septebmer ee sannadkan ka dhaci doona magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, kaasoo ay sheegeen inuu yahay mid Soomaaliya gaar u ah. Continue reading

%d bloggers like this: