Xildhibaanada Baalamaanka Soomaaliya oo maanta ka dooday Sharciga sameynta Xisbiyada, lana xiray Kal-fadhigii aan caadiga ahayn.

Barlamaanka Cusub.jpg4Waxaa maanta la soo xiray Kalfadhiyadii caadiga ahaa ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ajandihii ugu dambeeyay oo ay ka doodeen xildhibaannadu uu ahaa shuruucda sameynta xisbiyada siyaadeed ee dalka.

Kulankan oo ahaa kii 18-aad ay xildhibaannadu isugu yimaadeen muddadii uu socday kulanka oo ahayd bishan July ayaa waxaa shir-guddoominayay afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Xildhibaannadii kulanka soo xaadiray ayaa waxay aragiyo kala duwna ka dhiibteen sameynta xisbiyada siyaasadeed oo la sheegay in looga gudbi doono habka wax qaybsiga beelaha oo uu baarlamaanku ku dhisan yahay.

Muddadii ay dooddu socotay ayay xildhibaannadu soo jeediyeen aragiyo kala duwan oo sharcigan ku saabsan, waxaana xidhibaannada qaarkood ay soo jeediyeen in sharcigan si aad ah looga baaraan-dago si looga hortago inuu keeno khliaaf.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari oo sheegay in guddi kasoo talo-bixiya sharcigan loo saari doono, ay doodihiisu sii socon doonaan marka ay kulammada baarlamanaka dib u furmaan bisha Septmber ee sannadkan.

Kulammadii aan caadiga ahayn ee baarlamaanku yeeshay ayaa waxaa lagu ansixiyay hidise-sharciyeedyo kala duwan oo ay xukuumaddu soo gudbisay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen sharciga sameynta maamullada dalka, sharci lagula dagaalamayo argagaxisada iyo kuwo kale oo fara badan.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban 275-kursi ayaa waxaa bisha soo socda ee Ogoosto u buuxsameysa muddo sannad ah tan iyo markii la dhisay, wuxuu noqonayaa baarlamaankii ugu shaqo badnaa ee soo mara dalka, tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: