Magaalada Muqdisho oo laga soo sheegay in Suqyada ay Ka Jiraan Sicir Barar Baahsan.

SuuqyadaWar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Suqyada ay Ka Jiraan Sicir Barar Baahsan, sidaas waxaa laga soo wariyey Shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo ka cabanaya sicir barar baahsan oo xilligan laga dareemayo suuqyada Magaaladaas,  halka ganacsataduna ay  ku sababeeyeen inay keentay waqtiga bad xiranka.

Suuqyada.jpg1Sida la wada ogsoon yahay inta lagu gudo jiro xilligii bad xiranka ayaa waxa cirka isku sii shareeraya qiimaha la kala siisto raashinka qutul daruuriga ah, Dharka waxayaabaha udgoonka ah iyo  qiimaha shidaalka suuqyada magalada Muqdisho

Shacabka Soomaaliyeed  ayaa waxaa cabasho ka muujiyay Sicir bararkaasi, waxayna sheegen in arintani ay saameyn balaaran ku yeelatey, maadaama loo diyaargaroobayo maamlmaha ciiddul Adxa.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa waxay warbaahinta u sheegay in sicir-bararka uu sabab u yahay bad-xiranka,  waxayna ganacsatadu ay intaa ku daray in uu ku soo aaday xilli dadku u diyaargaroobayaan munaasabadda Ciidda, waxeyna intaasi ku dareen in dharka iyo waxyaabaha udgoonka ah iyo  kuwa la isku qurxiyo ay ku keenaan diyaarado qarashkoodu badanyahay, maadaama lagu jiro waqtiga badxiranka.

Sidoo kale ganacsatada shidaalka ayaa iyaguna tilmaamay in xilliga  badxiranka uu qiimaha shidaalka sare u kaco,  iyagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in haddii laga baxo badxiranka ay wax walba halkoodii kusoo nowondoonaan.

Si kasta ha ahaatee sicir bararkan ayaa kusoo beegmaya xilli suuqyada Magaalada Muqdisho ay dadku aad u buuxdhaafiyeen,  waxayna u diyaargaroobaya munaasabada ciidda oo ay hadda ka harsantahay wax ka yar Todobaad.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: