Hogaamiyaha Al-shabaab oo Fasiray sababtii loo dilay Ibraahim Afqaani iyo saraakiil oo isaga khilaafay.

alshabaabAxmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr) Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab, ayaa farriin uu soo saaray uga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen; in dagaallada ay ka wadaan Soomaaliya aysan laheyn xuduud iyo meel ay ku dhamaadaan, isagoo dhinaca kalena fasiray sababaha loo dilay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa Ibraahim Afgaani.

Cajalad maqal ah oo uu ku soo hadlay Masuulkan ayaa la soo dhigay baraha ay Al-shabaab ku leedahay Internetka, kula dardaarmay dagaalyahannada Al-shabaab in ay xoojiyaan dagaallada ay ka wadaan Soomaaliya ee ay kula jiraan dowladda iyo ciidamada AMISOM, wuxuuna sidoo kale uga digay khilaaf iyo weliba in ay u dhago nuglaadaan hadallada kooxo uu sheegay in ay doonayaan kala qeybinta Xarakada Al-shabaab.

IslaamiyiintaSidoo kale Hoggaamiyuhu wuxuu sheegay in ay soconayaan dadaallo la doonayo in lagu kala qeybiyo xarakada Al-shabaab, taasoo uu sheegay in loo adeegsanayo xeelado kala duwan oo uu sheegay in loo soo marayo saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

HALKAAN HOOSE KA DHEGEYSO AMA KA DAAWO NUXURKA FARRIINTA AXMED GODANE ABU ZUBEYR.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: