Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Heshiis la gashay Shirkad Ilaalisa Badaha oo laga leeyahay dalka Netherlands.

Somali_logoDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad ilaalisa xeebaha oo lagu magacaabo the Atlantic Marine and offshore Group, taasoo fadhigeedu yahay dalka Niederland.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay heshiis  kula gashay shirkaddan in ay ilaaliso xeebaha dalka Soomaaliya, islamarkaana ay ka qeyb qaadato dib u dhiska iyo dib u qalabeynta ciidamada ilaalada badda Soomaaliya.

Sidoo kale Warqad qoraal ah oo ku saabsan heshiiska ay gaareen shirkaddan ilaalisa badaha iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu Soomaaliya u horseedayo Xasilooni iyo dib usoo kabashada ilihii dhaqaale ee  uu dalku lahaa, waxaana qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska ka mid ahaa:

1-In lala socdo ilaha dhaqaale ee gaarka ah.

2- in lagu gaaf wareego lana kontroolo ama la ilaaliyo si loo suga ilaha dhaqaale .

3- la socodka dhaq dhaqaaqa ganacsi iyo dekedaha.

4- Difaaca qeyraadka dabiiciga ah.

5- difaaca kaluumaysiga sharcidarrada ah ee Maraakiibta ajaanibta ah iyo waxyaabaha saldhiga u ah.

6- ka hortaga sunta lagu daadinayo xeebaha Soomaaliya oo khatar ku ah dadka iyo kheyraadka dibiiciga ah.

7-In la sameeyo dabagallo ku aadan badbaadada iyo ka hortagga adeegyada kotorbaannada ah.

Sida la wada ogsoon yahay tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladii hore ee Soomaaliya, waxaa meesha ka baxay ciidamadii ilaalada badaha dalka, waxayna arintaasi fududeeysay in xeebaha Soomaaliya ay si sharci darro ah uga kalluumeeystaan Maraakiib shisheeye, in badda Soomaaliya lagu soo daadiyo sun halis ah, iyo weliba in xeebaha dalka Soomaaliya ay noqdaan meelaha ugu qatarta badan caalamka, taasoo ka danbeeysay markii ay dalka ka dilaaceen burcad badeed Soomaali ah oo afduub u geysta Maraakiibta isticmaasha xeebaha dalka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: