Ciidamada Badda Talyaaniga oo soo Badbaadiyay 100 qof oo Muhaajiriin Tahriibayaal ah.

migrantiCiidamada ilaalada Xeebaha Badda Talyaaniga ayaa badbaadiyey in ka badan 100 ruux oo Tahriibayaal ah,  kuwaasi oo ay Soomaali ku jireen, ayadoo tahriibayaashaasina ay si sharci daro ah uga soo safreen dalka Giriiga.

migranti.jpg1Muhaajiriintan oo tiradooda lagu sheegay116 Muhaajiriin ah oo u kala dhashay wadamada Soomaaliya, Siiriya iyo Ciraaq kuwaas oo saarnaa Dooni, waxeyna ciidamada talyaanigu ka badbaadsheen xeebaha Schiles ee koofurta Talyaaniga.

Sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee dalka Taliyaani in dadka la badbaadiyay ay ka mid ahaayeen 37 caruur ah iyo 22 haween ah,  iyadoo Laba ka mid ah haweenkaasi oo xaaladoodu liidatay loo qaaday cisbital ku yaala Jasiirada Schiles.

Muhaajiriinta ayaa la sheegay iney kasoo tageen dalka Giriiga,  iyagoo doonayay iney galaan dalka talyaaniga si ay uha helaan nolol dhaanta tii ay uga soo carareen wadamadooda.

Ma ahan markii ugau horreysay in kumanaan Muhaajiriin ah ay hore ugu dhinteen Badda Midatreniyamka ee u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga,  Xilli ay isku dayayeen in ay galaan dalka Talyaaniga halka kuwo kalena la soo badbaadiyay.

SomaliSwiss     Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: