Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo dabley Hubeysan oo maanta dagaal ku dhex-maray Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Suuqa BakaarahaWaxaa maanta ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho dagaal ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan, xili ay suuqaas ay ku sugnaayeen dad badan oo ka adeeganayay. Continue reading

Xildhibaanada Baalamaanka Soomaaliya oo maanta ka dooday Sharciga sameynta Xisbiyada, lana xiray Kal-fadhigii aan caadiga ahayn.

Barlamaanka Cusub.jpg4Waxaa maanta la soo xiray Kalfadhiyadii caadiga ahaa ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ajandihii ugu dambeeyay oo ay ka doodeen xildhibaannadu uu ahaa shuruucda sameynta xisbiyada siyaadeed ee dalka. Continue reading

Magaalada Muqdisho oo laga soo sheegay in Suqyada ay Ka Jiraan Sicir Barar Baahsan.

SuuqyadaWar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Suqyada ay Ka Jiraan Sicir Barar Baahsan, sidaas waxaa laga soo wariyey Shacabka ku nool magaalada Muqdisho oo ka cabanaya sicir barar baahsan oo xilligan laga dareemayo suuqyada Magaaladaas,  halka ganacsataduna ay  ku sababeeyeen inay keentay waqtiga bad xiranka. Continue reading

Ciidamada Badda Talyaaniga oo soo Badbaadiyay 100 qof oo Muhaajiriin Tahriibayaal ah.

migrantiCiidamada ilaalada Xeebaha Badda Talyaaniga ayaa badbaadiyey in ka badan 100 ruux oo Tahriibayaal ah,  kuwaasi oo ay Soomaali ku jireen, ayadoo tahriibayaashaasina ay si sharci daro ah uga soo safreen dalka Giriiga. Continue reading

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Heshiis la gashay Shirkad Ilaalisa Badaha oo laga leeyahay dalka Netherlands.

Somali_logoDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkad ilaalisa xeebaha oo lagu magacaabo the Atlantic Marine and offshore Group, taasoo fadhigeedu yahay dalka Niederland. Continue reading

Hogaamiyaha Al-shabaab oo Fasiray sababtii loo dilay Ibraahim Afqaani iyo saraakiil oo isaga khilaafay.

alshabaabAxmed Cabdi Godane (Abu Zubeyr) Hogaamiyaha ugu sareeya ee Xarakada Al-shabaab, ayaa farriin uu soo saaray uga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen; in dagaallada ay ka wadaan Soomaaliya aysan laheyn xuduud iyo meel ay ku dhamaadaan, isagoo dhinaca kalena fasiray sababaha loo dilay saraakiil sar sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa Ibraahim Afgaani. Continue reading

%d bloggers like this: