Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mas’uuliyiinta Warbaahinta Dalka ka codsaday inay ka qeyb qaataan sugidda amniga dalkooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh MaxamuudMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mas’uuliyiinta Warbaahinta Dalka ka codsaday inay ka qeyb qaataan sugidda amniga dalkooda , wuxuuna u sheegay in ammaanka dalka si buuxda loo adkaynayo, sidoo kale  Madaxweynuhu wuxuu soo hadal qaaday sida Dowladiisa ay wax kaga qabanayso amniga dalka.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay kulan uu la yeeshay Warbaahinta dalka wuxuu yiri: “Ciidamada ammaanka howsha ay hayaan waxay tahay sugida ammaanka, qaraxyada magaalada waxaa sabab u ah qalab yari iyo dadka falalka amnidarada gaysta oo aan dadka laga dhex saari karin”.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in amniga uu yahay mid muuqda iyo mid niyada dadka ah, waxaana sidaasi awgeed uu sheegay in Warbaahinta looga baahan yahay inay ka qeyb qaadato amniga iyada oo dadka u sheegeysa in marka laga tago qaraxyada dhacaya in badan oo ka mid ah ay ka hortagtay dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: