Hay’adda Ururka Bisha Cas ee dalka Turkiga oo Gargaar geysay Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay .

Turkiga Baydhabo_GargaarWaxaa Hay’adda Ururka bisha Cas ee dalka Turkiga ay gaarsiisay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, deeq raashin ah, waxaana gargaarkas lagu geeyey 10 baabuur oo kuwa xamuulka ah, raashiinkaas oo laga qaaday   magaalada Muqdisho ayaa waxaa  si nabad ah lagu gaarsiyey magaalada Baydhabo.

Sida lagu soo warramay gargaarkan ayaa waxaa  galbinayey ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa la sheegay in Mas’uuliyiintii maamulayay gargaarka oo ay ku jireen maamulka gobolka iyo kan degmada ay si musuqmaasiq ah u maamuleen, waayo sida aannu wararku  ku helnay in gargaarkaas  la gaarsiin dadkii loogu talogalay ee u baahnaa, balse xubnihii  loo xilsaaray qaybinta gagaarkaas ay si khalad ah u maamuleen..

Dad xog ogaal ah  ayaa waxay  sheegeen  in shan baabuur oo ka mid ah gargaarka la bixiyay, halka shanta kalena la sheegay in wadayaasha iyo milkiilayaasha gaadiidka keenay gargaarka magaalada  Baydhabo loo siinayo kiro ahaa, taas oo dadka ku nool magaalada Baydhabo iyo dadkii halkaas u yimid in gargaarka la siiyo ka yaabisay.

Sidoo kale Raashinka gargaarka ah ayaa waxaa ka mid ahaa sokor iyo bur, waxaana la sheegay in  qaar raashiinkaas la kala siiyey  mas’uuliyiinta degmada Baydhabo iyo kuwa gobolka Bay, iyadoo lagu arkayay goobaha raashinka lagu qaybiyay dad ladan oo si hoose loo siiyay lambarrada gargaarka lagu bixinayay.

Si kastaba ha ahaatee Goobta lagu bixiyay raashinka gargaarka ah ayaa waxaa ku sugnaa dad aad u tabaaleysan oo ay macaluuli ka muuqatay oo isuguna jiray haween iyo caruur kuwaas oo aan helin gargaarkii la qaybinayey.

SomaliSwiss      Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: