Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga oo ku eedeeyay weerarkii Muqdisho inay geysteen koox aan ku faraxsanayn hawlaha Turkigu ka wado Soomaaliya.

Cemil Çiçek 1Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Turkiga Cemil Çiçek ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday safaaradooda magaalada Muqdisho isagoo booqday qaar kamid ah dhaawacyadii laga keenay magaalada Muqdisho oo lagu daawaynayo isbitaal ku yaalla magaalada caasimada ah ee Ankara.

Mudane Cemil Çiçek ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday safaarada uu muujinayo in hawlaha bini’aadanimo ee Turkigu ka wado Soomaaliya inay khalkhal galisay awoodo iyo kooxo uusan magacaabin.

Sidoo kale Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga wuxuu muujiyay inay tuhunsanyihiin awoodo kale oo tartan uga  jira sidii ay dowladda turkiga loogu saari lahaa dalka soomaaliya  wuxuuna  yiri :  “Waan fahansannahay inaan qolo kale lugaha kaga joogsanay, sababtoo ah Turkigu waxay saamayn muuqata ku sii yeelanayaan gobolkaas maalinba maalinta ka sii dambaysa,Turkigu waxay isku dayayaan inay kor u soo qoodaan heerka nololeed ee dadkaSoomaaliyeed, annagoo isticmaalayna mashaariicda bini’aadannimo iyo siyaabo kaleba”.

Dhanka kale gudoomiyaha baarlamaanku  wuxuu carrabka ku dhuftay in kooxda Alshabaab oo weerarkan fulisay in la isticmaalay ee ay jiraan quwado ka dambeeya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ee dalka Turkiga wuxuu intaas uu  sii raaciyay: “Turkigu waxay sameeyeen wixii looga baahnaa waddan saaxiib la ah Soomaaliya, waxaanan ognahay inay jiraan quwado aan ku faraxsanayn xarumaha iyo dadaallada aan ka wadno gobolka.Nasiib darrase waxay noo soo isticmaaleen ururada argagixisada markale si ay u hor-istaagaan mashaariicda uu Turkigu ka furay Afrika”.

Si kasta ha ahaatee hadalka gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa caddeenaya in dawladda Turkigu ay tuhunsan tahay inay ka dambeeyeen weerarkii labo maalmood ka hor lagu qaaday safaaradooda quwado tartan kula jira, kaasoo looga dilay hal askari saddex kalana looga dhaawacay, inkastoo weerarkaasi ay sheegatayt Alshabaab oo iyadu xubin ka ah urur waynaha Al-qaacida.

SomaliSwiss           Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: