Advertisements

Golaha Ammaanka Q.M. oo Shaaciyey in Weerarada Argagixisada Soomaaliya aysan hakad Gelin doonin dadaallada nabadeynta dalka Soomaaliya.

Golaha Amaanka QMGolaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegey in ay ka go’antahay taageeridda dadaallada nabadaynta iyo dib u dhiska Soomaaliya ayagoo dhanka kalena ay sheegtay in  weerarada argagixiso ee ay geysanayaan kooxda Al-shabaab aysan qalqal gelin doonin dadaallada ka socda dalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed  laga soo saaray Xarunta golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in goluhu aad  uga xun yihiin falkii wuxuushnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xarun ay degnaayeen shaqaalaha Turkiga ee magaalada Muqdisho kaasi oo gesytay qasaare aan sidaa u balaarnayn.

Afhayeen u hadlay xafiiska xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Magaalada Newyork ayaa sheegey in qoraalka ay soo saareen  golaha amaanka ay kaga hadleen arimo badan oo quseeya Soomaaliya sida Siyaasadda , Amaanka iyo dadaalada dib u dhiska.

War-murtiyeed ayaa waxaa lagu yiri : ‘’xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxaa uu cambaareynayaa weerarkii argigixsanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho dhawaan waxaana tacsi u diraya shacbka Turkiga waxyeelladii soo gaartey muwaadinintooda’’.

Dhanka kale Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa carabka tilmaamay in loo baahan yahay in dadka dembiilayaasha ah ee falalkaasi ka damvbeyay mar un cadaalada la horkeeni doono, waxay sidoo kale Goluhu ay  celiyeen sida ay uga go’antahay taageeridda hannaanka nabadeynta iyo dib u soo celinta xasiloonpda Soomaaliya.

SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: