Shaqaalihii Turkiga qaraxa lagula beegsaday magaalada Muqdisho oo ku dhaawacoodii la geeyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Diyaarad gaar ahDiyaarad gaar ah oo siday dhaawacyada Sadex ruux oo u dhashay wadanka Turkiga oo ku dhaawacmay qarax dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay maanta ka degtay magaalada Ankara.

Sidoo kale Diyaaradaan oo dhaawacyada ka qaaday magaalada Muqdisho waxaa ay sday meydka ruux kale oo isla qaraxaas ku naf waayay.

Nin u hadlay wasaaradda arrimaha dibbadda dawlada Turkiga ayaa waxaa uu sheegay in qaraxii ka dhacay dorraat magaalada Muqdisho uu si gaar ah argagax u galiyay dawladiisa waxaana uu intaaa ku daray in dhaawacyadaan ay hadda wanaagsan yihiin caafimaad ahaan Afhayeenku waxaa uu sheegay in ciidamadooda ay sidoo kale fashiliyeen weeraro kale oo is qarxin ahaa oo ay Shababku la maaganaayeen xarunta ay hadda qarxiyeen.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: