Ra’Iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo ku dhawaaqay in goor dhow Dalka oo dhan laga ciribtiri doono kooxda Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

madaxtooyada-soomaaliyaWar ka soo baxay  Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ‘’Saacid’’ ayaa lagu sheegay  in Xukuumadiisu oo kaashaneysa beesha caalamka ay qaadi doonto qorshayaal lagu soo afjarayo wax loogu yeeray haraadigii kooxda Al-Shabaab si meesha looga saaro falalka argagixisanimo.ee iskugu jira ismiidaaminta, dilalka qorsheynsan iyo dhaca shacbiga loo geysanaya.

Sidoo kale Ra’Iisul-wasaare Saacid  ayaa sheegay si adag ay uga hortayaan weerarrada ay kooxda Al shabaab ku soo qaadaayaan Goobaha Muhiimka u ah xukuumadiisa iyo meel kasto oo umadda Soomaaliyeed ay ku sugantahay ee gudaha dalka,Gaar ahaana caasimadda dalaka ee Muqdisho, waxaana uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ku fashilmeen isku dayo ay ku dhibaateyn lahaayeen ummadda.Soomaliyeed ee kudabeysaan waajibadkii soonka ee bisha ramadaan.

Dhanka kale Raiisul wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyey in Umaddiisa uu u xaqiijinayo in falalka argagixisada aysan isbadel ku keeni doonin qorshaha Xukuumaddiisa ee ku aaddan dhinacyada ammaanka, horumarinta dadka iyo dalka iyo guud ahaan dib u dhiska dalka Soomaliya.

Ra’isulwasaaruhu wuxuu warbaahinta u sheegay in kooxda Nabadda diiddan ee Al-Shabaab ay caadeysteen in inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay sanadkasta bilaabeen qorshayaal lagu argagaxgalinaya dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in ciidammada ammaanka la geliyey heegan buuxa si loo adkeeyo  amniga Muqdisho.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: