Dowladda Mareykanka oo Cambaareeyay dilalka loo geysanayo Taageerayaasha Mursi iyo Mudaaraadyo weli ka socda dalkaas.

Egipt Protest.jpg1Dowladda Mareykanka ayaa cambaareyn adag dusha uga tuurtay dilalka loo geysanayo taageerayaasha madaxweynihii Masar ee xukunka laga tuuray, Maxamed Mursi, iyadoo ku tilmaantay inay ka mid tahay xadgudubyada lagula kaco shacabka.

Egipt ProtestSida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka dalka Masar in tiro ka badan 67-qof ay ku dhinteen isku-dhacyadii ugu dambeeyay ee magaalooyinka waaweyn ee dalka Masar ku dhexmaray taageerayaasha Mursi iyo booliiska Marsar ee rabshadaha ka hortaga.

Nin u hadlay ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalka Masar ayaa sheegay in 120-qof ay kaga dhinteen ururkooda rabshadihii ka dhacay Masar dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay, isagoo xusay in dadkaas ay toogasho toos ah ku dileen ciidamada booliiska.

Taageerayaasha madaxweyne Maxamad Mursi ayaa ka wada dalkaas dibadbaxyo ay ku dalbanayaan in dib xukunka loogu soo celiyo madaweynihii sida xorta ah lagu soo doortay, inta taas ay suurogalaysana ay sii wadi doonaan dibadbaxyada.

Sidoo kale ninka u hadlay ururka Ikhwaanul Muslimiin ee magaciisa lagu sheegay ayaa sheegay Jihad al-Xaddad ayaa warbaahinta u sheegay in kumannaan qof oo ururkooda ka tirsan ay ku sugan yihiin dhowr magaalo oo ka tirsan Masar si ay u muujiyaan inay kasoo horjeedaan in laga qaado xukunka madaxweynihii lasoo doortay.

Dhanka kale Mas’uul u hadlay Mareykanka ayaa sheegay in xabsiga laga sii daayo madaxweynihii hore ee Masar iyo taageerayaashiisa, lana billaabo wadahadallo lagu qaboojinayo xiisadaha ka taagan Masar oo u muuqda kuwo  sare u sii kacaya.

General C/fitaax Al-Siisi oo ah Hoggaamiyaha milateriga dalka Masar ayaa ku adkeysanaya in madaxweynaha Masar uu galay dambiyo kala duwan, sidaas darteed suurtagal ma ahan in dib loogu soo celiyo xukunka, isagoo ugu baaqay dibadbaxayaasha inay ku laabtaan guryahooda ayna ka shaqeeyaan ammaanka.

Si kasta ha ahaatee Taageerayaasha Madaxweyne Mursi ayaa wata boorar ay qaarkood ku taageerayaan Mursi halka kuwo kalena ay uga soo horjeedaan hoggaamiyaha milateriga dalkaas, waxayna sii adkeeyeen dalabkooda ah in xukunka lagu soo celiyo Mursi.

SomaliSwiss        Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: