Xarakada Al-shabaab oo ku goodisay inay kordhin doonto weerarada kale ay la beegsanayso Shaqaalaha Turkiga ee jooga dalka Soomaaliya.

afhayeenka al-shabaab Sh. cali dheereAfhayeenka Xarakada Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay kordhin doonto weerarrada ay la beegsanayso shaqaalaha Turkiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay inay Turkigu qayb ka ahaayeen duullaanno lagu qaaday dalal muslimiin ah oo caalamka ku yaalla.

Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ah Afhayeenka guud ee Al-shabaab,ayaa wuxuu la hadlayay warbaahinta ku hadasha afkooda ayaa sheegay inay weerareen dhisme ay deggenaayeen saraakiil Turki ah oo ku taalla degmada Hodan, halkaasna ay ku dileen lix illaa toban ka mid ah dulamaasiyiin Turki ah oo goobtaas ku sugnaa tiro intaas ka badanna ay dhaawaceen.

Sheekh Cali Dheere oo ka hadlayey weerarkii shalay wuxuu yiri: “Weerarka waxaa fuliyay walaalo ka mid ah mujaahidiinta, waxayna gudaha u galeen xarunta, iyagoo dilay inta u dhexeysa lix illaa toban ruuxx Turki ah, kuwo kalena dhaawacyo ayay u geysteen, waxaana walaalahaas qaarkood ay si nabad ah uga baxeen dhismaha.”

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in weerarkan uu billow yahay qorshe ay ku doonayaan inay ku beegsadaan shaqaalaha Turkiga ah ee Somalia ku sugan, gaar ahaan kuwa jooga Muqdisho. Isagoo ku eedeeyay Turkigu inuu maleegayo shir-qoollo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed.

“In badan oo ka mid ah Soomaalida waxay qariibsanayaan ama la yaab ku noqonaysa marka ay maqlaan in Turkiga ayaa la weerarayaa iyagoo is leh sow Turkigu ma ahan muslim, balse waxaan u sheegaynaa in Turkiga uu ka baxay xayn-daabkii muslimiinta uuna garab iyo gaashaan u noqday gaalada dhibaatooyinka ka geyanaya dunida muslimka,” ayuu yiri Sh. Cali Dheere.

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa sheegay in Turkiga ku sugan Muqdisho ay maleegayaan shirqoollo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, kuwii shalay la weerarayna ay ka mid yihiin kuwa shirqoollada abaabulayay, isagoo xusay in iyagoo taas ka duulaya ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Turkiga ku sugan Somalia.

Dhanka kale Sheekh Cali Dheere wuxuu kusoo gunanuday ee uu yiri:“Dowladda Turkiga waxay garab iyo gaashaan u tahay gaalada, waxayna ka mid tahay ururka NATO oo ay ku bahoobeen reer galbeedka, iyadoo qayb ka ahayd dhibaatooyin laga geystay dalal ay ka mid tahay Afgaanistaan,”.

Sida la wada ogsoon yahay Xarakada Al-shabaab ayaa waxay weli ka talisaa dhul ballaaran oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla, waxaana sheegeen dhawaan in tan iyo markii ay billlaabatay bisha Ramadaan ay fuliyeen weerarro isugu jira kuwo toos ah iyo kuwo ismiidaamin ah.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: