Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo kulan looga Hadlay Ammaanka la qaatay Saraakiil iyo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka G/Banaadir.

Kulan isimadaRa’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa kulan deg degga ah oo looga hadlayay ammaanka Muqdisho la yeeshay taliyeyaasha ciidamada dowladda, taliye xigeennada, guddoomiye-yaasha degmooyinka gobolka Banaadir, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Waxaa si aad ah Kulankan  loogu jeex-jeexay xaaladda ammaan ee Somalia, gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu warbixin ka dhageystay taliyeyaasha booliska, millateriga iyo nabadsugidda Qaranka, iyagoo faahfaahin ka bixiyay qorsheyaasha sugidda amniga iyo xasilinta dalka, waxayna tilmaameen inay jiraan falal amniga lidiga ku ah oo dhacay intii lagu guda jiray Ramadaanka, balse ay ka hortageen falal aad u tiro badan oo la doonayay in dhibaatooyin loogu geysto shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabeeyay kulankan ayaa waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka xukuumada, Ridwaan Xaaji Cabdiweli isagoo sheegay in looga hadlay kulanka ammaanka Muqdisho iyo guud ahaan dalka, ra’isiul wasaare Saacidna uu warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu xusay in ra’iisul wasaaruhu uu ku tilmaamay weerarkii lala beegsaday goob caafimaad oo ay maamulaan dhaqaatiir Turki ah, halkaasoo ay adeegyo caafimaad ugu fidiyaan shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna Alle uga baryay intii dhimatay inuu Jannada ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo.

Ra’iisul wasaaraha Somalia Shirdoon oo ka hadlayey qaraxii xarunta Shaqaalaha Turkiga wuxuu yiri: “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheenna Turkiga ee iyagoo shacabkeenna gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa xukuumadda iyo dawladda Turkiga”.

Sida la sheegay in Kulankan looga hadlayay amniga ayaa wuxuu daba-socday, kulammo horay uu ula qaatay ra’iisul wasaaruhu qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, taasoo uu kala hadlayay qorshaha xukuumadda ee xasilinta iyo dalka.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: