Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hadlay qaraxii maalintii shalay ahayd lala beegsaday safaaradooda magaalada Muqdisho, wuxuuna Erdoganku tilmaamay Al-shabaab inay muslimnimo sheeganayaan haddana ay weerarayaan kuwa walaalahooda caawinaya.
Erdogan oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaa maanta Soomaaliya naga soo gaaray war xun, dhismaha shaqaalaha safaarada Turkiga ayaa lasoo weeraray, nasiib darro waxaan ku waynay hal askari, saddex muwaadin ooTurki ahna waa ku dhaawacmeen”.
Wuxuu kaloo intaas uu raaciyey ee uu yiri: “Kuwii weerarkan ka dambeeyay waxay isku sheegayaan muslimiin, maxay sidaas u yeelayaan? soo ma oga inaan adeegyo kala duwan u fidinayno walaalaheena Muqdisho ku nool”. ayuu is waydiiyay Erdogan oo ay caro hadalkiisa ay ka muuqato.
Wasiirkiisa arrimaha dibadda Axmed Davutoglu ayaa isna bartiisa Twitterka ku soo qoray “Hal askari ayaa nooga shahiiday, waanku faraxsanahay inaysan nagu dhicin geeri intaa ka badan”.
Kooxda Alshabaab ayaa iyadu sheegatay masuuliyada weerarkii shalay lagu qaaday safaarada ay Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho ee caasimada waddanka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Erogan oo ka hadlayay Kulan afur ah oo ay isugu yimaadeen Warshadleyda iyo ganacsatada waaweyn ee dalka Turkiga oo ka dhacay magaalada Istanbul ayaa sidoo kale farriin u diray caalamka Islaamka iyo wadamada reer galbeedka oo uu ku tilmaamay inay labo wajiilayaal yihiin marka laga hadlayo Dimuqraadiya isagoo ku eedeeyay inay ka aamusanyihiin xasuuqa ay militariga Masar ka wadaan dalkooda.
“Xasuuqa maanta ka dhacay Masar kama aamusayno, meeye kuwii qaylinayay markii aan sunta dadka ka ilmaysiisa u isticmaalnay dibadbaxyadii ka dhacay Istanbul, maxay uga hadli la’yihiin xasuuqa lagu hayo dadka reer Masar oo madaxweynahoodii cinqilaabka lagu riday” ayuu yiri Erdogan.
Maalintii shalay ahayd ayaa dalka Masar lagu dilay 150 ruux, 4000 oo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kuwaasoo ahaa taageerayaasha Maxamed Mursi madaxweynihii la afgambiyay ee waddanka Masar.
SomaliSwiss       Istanbul
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.