Dowladda Turkiga oo Sheegtay in Weerarkii shalay uusan hakad gelin doonin Mashaariicdii ay Ka wadda Soomaaliya.

Ahmet DavutogluWar ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Xukuumadda dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in weerarkii shalay uusan hakad  gelindoonin howliihii ay ka wadeen magaalada Muqdisho.

Waxaana weerarkaas guud ahaan cambaareyay Hay’adaha Dowliga ah iyo kuwaan aan ahayn dowliga,  waxayna wasaaradda arrimaha dibadda ay caddeysay  in weerar ugu hal askari kaga geeriyooday, iyadoo intaasi ku dartay in ciidamada Turkigu ay fashiliyeen dhagar qabayaashii weerarkaasi geystay.

Dhaawacyadii shaqaalaha Turkiga oo dowladda Turkiga ay sheegtay in saddex ahaayeen balse laga badinayo ayaa waxaa isla xalay Muqdisho ka qaadday diyaarad ay leedahay dowaldda Turkiga, dhaawacyada qaarkood ayaa ahaa kuwo culus.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Axmed Daa’uud Ogle ayaa sheegay iney si weyn uga xun yihiin arrinkaasi,  wuxuuna si gaara ugu mahadceliyay ciidamada Ammaanka ee fashikiyay weerarkaasi, isagoo hoosta ka xariiqay inusan marnaba niyad jebineynin weerarkaasi,  islamarkaana ay sii wadidoonaan mashaariicdii ay ka wadaan Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa wuxuu burbur xooggan u geystay dhismahan oo ku dhow isbitaal ay Turkigu ku leeyihiin degmada Hodan ee Muqdisho, waana kii ugu horreeyay noociisa oo lagu bartilmaameedsado xarumaha ay Turkiga ku leeyihiin Muqdisho.

Dhanka kale ururka iskaashiga Islaamka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaasi iyagoo ku tilmaamay fal wuxuushino ah waxeyna dalalka islaamku muujiyeen sida ay uga xunyihiin weerarkaasi fulaynimada ah.

Si kasta ha ahaatee Gelinkii dambe ee shalay ayaa  kooxo dhagarqabayaal ah waxey weeraro ismiidaamin ah ku qaadeen guri ay deganaayeen muwaadiin Turki ah hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa fashiliyay oo hoos u dhigay qasaarihii weerarkaasi.

Ugu danbeyntii Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna ku hanjabtay inay sii kordhin doonto weerarrada ay ku qaadayso xarumaha ay shaqaalaha Turkigu ku leeyihiin Muqdisho.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: