Maxkamadda ciidamada qalabka sidda oo ku fulisay dil toogasho ah Afar askari oo ka Tisranaa Ciidamada Dowladda.

Xukun Dil_AskariMaxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee dowaldda Soomaaliya ayaa saakay ku fulisay dil toogasho ah afar askari oo ka tirsan ciidamada dolwadda Soomaaliya, kuwaasoo horay u geystay dilal.

Liibaan Cali Yaroow oo ah Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, ka hadlay goobta ayaa sheegay in askartan dilka toogasho lagu fuliya ay ka mid ahaayeen askar horay u geystay dil toogasho oo maxkamaddu ay xukun ku ridday.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay jiraan askar kale oo iyagana lagu xukumay dil toogasho dhawaanna lagu fulin doono xukunnada, isagoo uga digay ciidamada dowladda inay geystaan dilal, taasoo keeni karta in la dilo iyagana.

Goobta uu dilku ka dhacayay oo ahayd iskoolka booliiska Soomaaliya ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya iyo kuwo ka tirsan maxkamadda ciidamada qalabka, sidoo kale waxaa joogay shacab daawanayay sida uu dilku u dhacay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada qalabka sidda ay fuliso dil noocan oo kale ah, balse labadii sano ee ugu dambeysay ayay dhowr askari ku fulisay maxkamaddu dilal toogahso oo noocan oo kale ah.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: