Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho oo Saakay Ka Dhacay Qarax Loo adeegsaday Gaari .

???????????????????????????????Waxaa Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho  Saakay Ka Dhacay Qarax Loo adeegsaday gaari, Qaraxaas  ayaa la sheegay inuu ahaa mid aad u xoog badan oo laga soo buuxiyey walxaha Qarxa.

???????????????????????????????Qaraxan ayaa loo isticmaalay   gaari nooca raaxada ah waxaana ku nafwaayay oo kaliya wadihii gaarigaasi, mana jirto cid kale oo wax ku noqotay qaraxaasi.

Sida caadada ah Qaraxaas kadib  waxaa goobtaasi gaaray mas’uuliyiin ka tirsan dowlada oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyayaasha degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid kuwaas oo dadka u sheegay iney isdejiyaan,  iyadoo kooxaha dabdamiskuna ay ku guuleysteen bakhtiinta dabka gaariga Qarxay.

Sidoo kale Warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxaya qofka uu ahaa wadaha gaariga ee geeriyooday, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka ee dowlada taas oo lagu ogaanayo qaraxan iyo cidda ka dambeysay.

Dhanka kale ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas;uuliyadda Qaraxaasi,  laakiin dad badan ayaa rumeysan iney ka dambeeyaan Malleeshiyaadka Shabaab oo iyagu ku caanbaxay qaraxyada noocan oo kale ah.

Si kasta haahaatee waxaa Maalmo ka hor degmada Xamarweyne ka dhacay qarax kan la mid ah kadib markii uu qarxay gaari uu watay mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo xiligaasi ku jiray dukaan an ka fogeyn halka gaarigiisu yaalay.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: