Hay’adda Xuquuqda Aadanaha (H R W) oo Warbixin cusub ku saartay tacadiyada loo gaysto Qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya.

xerada-dhadhaab.Sida ay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha (H R W)  warbixinteeda ku sheegtay in  Maxkamadda Sare ee Kenya ay 26-ka July, 2013, burisay qorshe ay dowladda uga saaraysay 55,000 oo u badan qaxooti Soomaali ah caasimadda Nairobi iyo magaalooyin kale. Dadkaa ayaa waxaa la geyn lahaa xeryaha qaxootiga, Human Rights Watch

Maxkamadda ayaa sheegtay in dib u celinta ay macquul tahay in ay wax u dhinto sharafta qaxootiga iyo weliba xuquuqda ay u leeyihiin dhaqdhaqaaqa xorta ah, waxayna sahlaysaa in si aan toos aheyn loogu qasbo in dib loogu celiyo Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay maxkamaddu sheegtay in mas’uuliyiinta aanay caddeyn in dib u celinta qaxootiga ay gacan ka geysanayso ilaalinta amniga qaranka, kadib weeraro bambaano oo taxane ahaa oo ka dhacay gudaha Kenya oo ay geysteen dad aan la aqoonsan haybtooda.

Sido kale  waxaa warbixinta lagu sheegay in Booliska ay u gaysteen xadgudubyo socday todobaadyo qaxootiga Soomaalida iyo Itoobiyaanka ah iyo dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan magaalada Nairobi – xadgudubyadaas oo ay ka mid ahaayeen jir dil iyo kufsi – dabayaaqadii 2012-ka iyo bilowgii 2013-ka, Booliska ayaa qaxootiga ku tilmaamay “argagixiso” waxayna sheegeen  in ay tahay in qaxootiga la geeyo xeryaha.

Mr. Gerry Simpson, oo ah sarkaal sare oo Human Rights Watch u qaabilsan cilmibaarista qaxootiga ayaa wuxuu yiri: “Go’aanka maxkamadda ayaa waxa uu laabqaboojin u yahay oo soo dhaweynaya 55,000 oo qaxooti ah oo ku nool magaalooyinka waa weyn wuxuuna go’aanka xasuusinayaa mas’uuliyiinta in aanay ku tuman karin xuquuqda qaxootiga,” waxaa uu intaa raaciyey ee uu yiri: “Go’aanka maxkamadda wuxuu  fariin culis u dirayaa mas’uuliyiinta fariintaas oo ah in la joojiyo cagajugleynta iyo dhibaatooyinka dhawaanahan lagu hayay qaxootiga jooga Nairobi.”

ayaa sidaa sheegtay Hay’adda  Human Rights Watch in Mas’uuliyiinta ay waajib ku tahay inay ilaaliyaan qaxootiga Nairobi ku nool, oo ay u ogolaadaan kooxaha Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga in ay caawiyaan, oo si degdeg ahna baaritaan ugu sameeyaan ciidamada booliska ee mas’uulka ka ahaa xadgudubyadii ba’naa ee loo geystay qaxootiga sanadihii 2012-ka iyo 2013-ka.

Hay’ad Kenya laga leeyahay oo aan dowli aheyn oo loo yaqaan Kituo Cha Sharia (Xarunta Sharciga) ayaa Bishii Janaayo waxay gaysay maxkamadda dacwad ay kaga soo horjeedo sida uu sharci darro u yahay qorshihii dib u celinta qaxootiga ee bishii Diseembar 2012-ka, kaasoo looga dan lahaa in dhamaan qaxootiga ku nool magaalooyinka waa weyn iyo dadka magangalyo doonka ah in ay isaga baxaan magaalooyinka Kenya, lana geeyo xeryaha qaxootiga ee aan nadiifka aheyn ee buux dhaafay.

Sida la wada ogsoon yahay in Maxkamadda sare ee Kenya  ay horay amar ugu bixisay in mas’uuliyiinta ay joojiyaan qorshaha dib u celinta qaxootiga tan iyo inta ay maxkamaddu go’aan ka gaarayso. 26-ka July, maxkamadda ayaa waxa ay xukuntay in qorshuhu uu xadgudub ku noqon doono xuquuq badan oo ay leeyihiin dad badan oo qaxooti ah, oo ay ka mid tahay xuquuqda dhaqdhaqaaqa xorta ah, xuquuqda ay u leeyihiin sharaftooda, iyo xaqa ay u leeyihiin in aan si qasab ah loogu celin karin shaqaaqadii ay ka soo carareen, taasoo ay maxkamaddu sheegtay in ay suuragal noqon laheyd haddii si “qalafsan” loogu qasbo in lagu celiyo xeryaha liita ee ku yaal xudduuda Soomaaliya.

Hay’add Human Rights Watch ayaa 21-kii Janaayo, ee Sannadkan ugu baaqday mas’uuliyiinta in ay meesha ka saaraan qorshaha dib u celinta qaxootiga, iyadoo sheegtay in Kenya ay ku guuldareysatay in ay soo bandhigto, sida uu sheegayo sharciga caalamiga ah, oo ah in qorshaha lagama maarmaan uu u yahay in la horumariyo amniga qaranka ama uu yahay waxa ugu yar ee la sameyn karo si wax looga qabto dhibaatooyinka ammaanka qaranka ee Kenya. Human Rights Watch waxa ay sheegtay in qorshuhu sidoo kale uu faquuqay qaxootiga sababtoo ah hannaanka ayaa u ogolaanayo muwaadiniinta Kenya in ay si xor ah u socdaalaan una diidaya qaxootiga isla xuquuqdaas.

Sidoo kale Hay‘adda Human Rights Watch ayaa sheegtay in laga qaado tobanaan kun oo qaxooti ah magaalooyinka waa weyn oo la geeyo xeryaha qaxootiga ee la daalaa dhacaya hoos u dhac maalgelineed oo gaaraya in ka badan 100 milyan oo doolar ayaa waxa ay xadgudub ku noqonaysaa xuquuq badan oo ay leeyihiin, waxaana ka mid ah xaqa ay u leeyihiin in ay si xor ah u safraan, in aan si qasab ah looga rarin guryahooda, iyo in aanan la dhimin xaqa ay u leeyihiin in ay helaan xuquuqda asaasiga ah – sida cunada, nolosha, daryeelka caafimaad, iyo waxbarashada.

Dhanka kale Saraakiishii ku dhawaaqay qorshaha dib u celinta ayaa bishii Diseembar sheegay in ay arrinta xigi doonto ay noqon doonto dib u rarid lagu sameeyo qaxootiga Soomaalida ah ayadoo la geynayo Soomaaliya, inkastoo dhab ahaantii inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si weyn aanu u sugneyn ammaanka oo ay ka socdaan dagaallo, dilal, xadgudub aan loo meeldayin oo loo geysto dadka rayidka ah, iyo galaangal xaddidan oo ay hay’addaha gargaarka ku leeyihiin halkaa.

Si kasta ha ahaatee Hay’adda Human Rights Watch waxay ku celcelisay baaqeeda ay u jeedinaysay mas’uuliyiinta Kenya ee ahaa in aanay ku qasbin qaxootiga in ay ku laabtaan Soomaaliya. Caddaadiska noocaas ah ayaa waxa uu keenayaa in Kenya ay jabiso waajibaadkeeda ah in aanay si sandulle ah qaxooti ugu celinin xaalado shaqaaqo iyo dhibaatooyin baahsan.

SomaliSwiss      Geneve

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: