Golaha Wasiirrada dowladda Soomaaliya oo Isku Shaandheyn lagu Sameynayo waxna lagu kordhin doono.

madaxtooyadaWararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la filayo  in 24-ka saac ee soo socda gudahood lagu dhawaaqo isku shaandheyn lagu sameeyay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo la kordhin doono golaha wasaaradaha oo haatan ay tiradoodu tahay toban wasaaradood.

Warar  ku dhow dhow xafiisyada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in tirada golaha wasiirrada ay noqon doonaan 25 wasiir, sidoo kale wasiir ku xigeennadu ay noqon doonaan 20, halka wasiir u dowlayaashana laga dhigi doono shan wasiir u dowle.

Sababta golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya loo kordhinayo ayaa lagu sheegay inay tahay kaddib markii wasiirrada haatan shaqeeya ay waasarado dhowr ah isku hayaan taasina ay kala kulmeen culeys dhinaca howsha ah, si loo fududeeyo howlaha xukuumadana taasina ay keentay in wasaaradaha tiradooda la kordhiyo.

Sidoo kale Wasiirrada haatan shaqeeya ee xukuumadda ayaa qaarkood jagoyinka loo kala bedeli doonaa, halka kuwo ka mid ah ay jagooyinkooda wayn doonaan, lagu soo kordhin doono kuwo cusub oo qaarkood xilal kasoo qabtay xukuumadihii hore ee KMG-ka ahaa.

Dhanka kale sida la sheegay in howsha lagu ballaarinayo golaha wasiirada ayaa waxay soo socotay muddo bilooyin ah, iyadoo dhowr jeer uu ku yimid ku dhawaaqistooda dib u dhac, taasoo lagu sheegay inuu jiray kala duwanaasho dhanka fikirka ah oo u dhexeeya madaxda dowaldda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan tirada laga dhigayo wasiirrada.

Waa Isku shaandheyntii ugu horreysay oo Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu ku sameeyo golihiisa wasiirrada tan iyo markii uu xilkan loo magacaabay bishii Oktoobar ee sannadkii hore 2012.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: