Xarakada Al-shabaab oo xalay Weerarro ka fuliyay Deegaanno kala duwan oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

alqaedas somali wing alshabaabXarakada  Al-shabaab ayaa xalay weerarro ka fuliyay qeybo ka tirsan gobolka J/hoose oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.

Maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab ayaa waxay xalay weerar la beegsadeen saldhigyada ciidamada AMISOM  ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Kismaayo iyo xarunta Jaamacadda, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Bulshada ku dhaqan xaafadda Calanleey gaar ahaan waaxda V-afmadow ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen daryanka hubka culculus ee ay labada dhinac isweeydaarsanayeen.

Sida lagu soo warramay  dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa weerarro kale  waxay isla xalay ku qaadeen degmada Afmadow ee gobolka J/hoose , waxaana dagaalkii xalay uu ahaa mid aad u culus.

Ilaa haatan ma jiraan masuuliyiin ka tirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay iska horimaadyadii xalay ka dhacay degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Sida la wada ogsoon yahay Xarakada Al-shabaab ayaa waxay hore wacad ugu martay in inta lagu guda jiro bishan brakeeysan ee Ramadaanka ay laba jibaari doonto dagaallada ay kula jirto dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalina Midowga Afrika ee AMISOM.

SomaliSwiss         Afmadw

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: