Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo Shaaciyay in Lacagta bankiga soo gasha ay ka soo xaroorto Dekedda iyo Garoonka.

G. Bankiga CabdisalaamGuddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya, C/salaam Cumar Hadliye ayaa maanta oo Jimco ah sheegay in dhaqaalaha soo gala bangiga uu yahay midka kasoo xarooda ilaha dhaqaaha dalka sida dekedda iyo garoonka diyaaradaha.

Mudane C/salaam Cumar Hadliye ayaa sheegay inaysan jirin wax dhaqaale ah oo dibadda ka yimid oo soo galay bangiga, marka laga reebo 17-milyan oo doollar oo ay lahayd shirkad madax-bannaan oo markii dambe si nadiif ah looga saaray bangiga.

Mudane C/salaam oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan halkan ka beeninayaa inaysan waxba ka jirin warbixintii dhawaan ay soo saareen guddiga UN-ka ee daba-galka cunnoqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea ayna yihiin kuwo la been abuury oo si khaldan loo tabiyay”.

Guddoomiyaha BanKiga dhexe ayaa sheegay in muddadii uu ahaa guddoomiyaha BanKiga dhexe oo ahayd shan bilood iyo bar aysan jirin wax is-daba-marin ah oo ka dhacay, wax walba oo ka baxayana ay ku baxaan hab sharciyeed sugan.

Mudane Hadliyewuxuu  hadalkiisa ku daray“Dhaqaalaha bangiga dhexe soo gala waa mid dalka gudihiisa kasoo xarooda mana jiraan wax dhaqaale ah oo dibadda ka yimid oo bangiga soo gaaray. inta aan ogahay dowladdu waxay ku shaqeysaa dhaqaale ay ka hesho shacabkeeda,” isagoo xusay in howsha bangiga ay tahay mid u socota si wanaagsan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha BanKiga wuxuu Warbixintan ku sheegay in eedeymaha ay noqon karta mid la doonayo inuu asiga lagu riixo ama lagu ceebeeyo howlaha bankiga.

“ waxaanan anigu halkan ka sheegayaan in aysan jirin eedeymaha lagu sheegay warbixinta oo howshoodu ay tahay mid saxar la’a,” ayuu guddoomiyaha bankiga dhexe ku sheegay hadal uu siiyay maanta idaacadda ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku doonayaan inay kaga hirgeliyaan dalka saddex bangi oo kuwa ganacsiga ah lana shaqeyn doona bangiga dhexe, isagoo xusay in hirgelinta arrintan ay ka siin doonaan gacan bangiga dhexe ee Turkiga iyo kan dalka Kenya.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya wuxuu xusay in warbixintii ku saabsanayd in lacago lagala baxay bangiga dhexe oo ay soo saareen guddiga UN-ka ee dabagalka Soomaaliya iyo Eritrea ay tahay mid aanay waxba ka jirin oo been abuur ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: