Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Heegankii ugu sareeyay la geliyey iyo Al-Shabaab oo sheegtay weeraro gaysanayso.

Ciidamada SiraliyonWar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay Wadooyinka Magaalada Caasimadda lagu daadiyay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo ilaa saakay ku sugan goobihii la dhigay ciidankaasi xalay, iyadoo ciidamadaan ujeedkoodu yahay adkaynta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan la dhigay wadooyin Caasimada ayaa ujeedkooda uu yahay inay ka hortagaan weeraro la sheegay inay soo qaadayaan Xarakada Al-Shabaab oo horay ugu goodiyay inay weeraro ku qaadayaan goobo muhiim ah oo xarumaha dowladda ah.

Sida la sheegay Xarakada Al-Shabaab ayaa sanad walba markii la gaaro 17-ka Ramadaan waxay weeraro ku qaadi jireen goobaha muhiimka oo ay dowladu gacanta ku hayso, islamarkaana waxay dilal iyo qaraxyo ka gaysan jireen qeybo ka mid ah xaafadaha Muqdisho.

Haddaba maxaa ka dhacay magaalada casimadda ee Muqdisho?

Waxaa xalay ka dhacay isgoyska Dabka ee Magaaladda Muqdisho waqti danbe lagu arke Meydka ruux Shacab ah, iyadoo dadka deegaankaasi ay sheegeen in ninkaasi ay dileen rag hubeysnaa oo watay gaari, markii ay dilka geysteena ka baxsaday goobtii ay falkaasi ka gaysteen.

Sidoo kale waxaa xalay Kooxo hubaysan ay iyaguna suuq ku yaala xaafadda Sey-Piano ee magaaladda Muqdisho ay ku tuureen laba bam gacmeed kuwaaso khasaaro u geystey dad shacab ah oo ku ganacsaayey halkaasi iyadoo dhaawaca ilaa iyo shan ruux la geyey Cusbitalka Madiina.

Dhinaca kale isgoyska wadada Banaadir laga maqley xalay rasaas, iyadoo la sheegayo inay iyana qeyb ka aheyd Amni xumadda xalay ka jirtey meela kala duwan ee magaalada Muqdisho, inkastoo ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku jireen heegan sare.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: