Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay kulan kula yeeshay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in muddadii ay jirtay dowladda ay diyaarisay ciidammo gaaraya 5,000 oo askari oo loogu talogalay sugidda ammaanka dalka.
Mudane Xasan Sheekh ayaa wuxuu sheegay in dowladda ay qabatay wixii ay kari kartay tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay, ayna qabanayso wax walba oo ay qaban karto, wuxuuna xusay in dowladdu ay ku dhaqanto shuruucda Islaam iyo xeerarka dalka u yaalla.
Madaxweyne Xasan Seiikh oo xalay la kulay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa wuxuu yiri: “Dowladda Soomaaliya intii ay jirtay waxay diyaarisay 5,000 oo askari oo saraakiil Soomaali ah ay tababarro siiyeen, dowladda ayaana ku biisha xeryo ay ku jiraan, waayo ma haystaan hub ay ku howlgalaan”.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdu ay u iibisay askarta gaadiidkii ay u baahnaayeen, ayna markii loo hub howlgeli doonaan, isagoo sheegay inay dowladdu isku diyaarinayso wax ka qabashada amniga guud ee dalka.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen odayaashii uu la kulmay, kuwaasoo ay ku jireen dhismaha maamul goboleedyada, wuxuuna sheegay in dhismaha maamul goboleed ay yihiin kuwo shuruuc kala duwan maraya.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaas kahadlayey wuxu yiri: “Dhismaha maamul goboleedyada waa kuwo maraya shuruuc kala duwan, mana ahan kuwo ku imaanaya mid aan anigu jeclahay ama qof kale uu jecel, yahay, balse waa kuwo ku imaanaya sharciyo, waxaana dhawaan la ansixiyay sharciga dhismaha maamul-goboleedyada dalka, waxanaa keliya ee ka dhimanna waa saxiixa madaxweynaha”.
Madaxweynaha oo ka hadlayay dhismaha maamul-goboleedyada ayaa wuxuu sheegay inay ka shaqeynayaan sidii maamul goboleedyada dalka ay u noqon lahaayeen kuwo awood leh, halka dowaldihii hore ee dalka ka jiray ay awoodda inteeda badan lahayd dowladda dhexe.
Kulankii uu xalay la qaatay Madaxweynaha odayaasha iyo Waxgaradka ayaa waxaa lagu weydiiyey su’aalo kala duwan oo ku saabsan habka ay dowladdu u shaqeyso, waxaana qaarkood ay dhaliil u jeediyeen dowladda, kuwaasoo uu ka jawaabay madaxweynaha, balse Madaxweynuhu wuxuu odayaasha ku la talinayey in la sameeyo gole odayaal ah oo isku xira dowladda iyo odayaasha si loo kala warqaato,” ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.
Si kasta ha ahaatee Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay noociisa oo dhexmara madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka Somaaliyeed ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir, wuxuuna ahaa mid afur ah, islamarkaasna lagu kala warqaadanaya.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.