Dnjire Nicholaas Kay oo sheegay in Awooddii Al-shabaab hoos loo dhigay, balse weli kooxdaas waxay khatar ku tahay amniga Soomaaliya.

Nick-Kay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in awooddii Al-shabaab hoos loo dhigay, balse ay weli tahay khatar muuqata oo Somalia ka jirta

Sida la wada ogsoon yahay Nicholas Kay ayaa wuxuu bishii lasoo dhaafay la wareegay xilka Qarmada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalkii ay la galeen kooxda Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox xag-jir ah.

Mr. Kay oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Awoodda Al-shabaab inay hoos u dhacday waxaa caddeyn ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxdan ayaa ku jira xabsiga dowladda Soomaaliya, taas waxay caddeyn u tahay in kooxdan ay kala qaybsan tahay awood ahaanna ay hoos u dhacday”.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu hadalkiisa ku daray in isi soo dhiibidda Sheekh Xasan Daahir Aweys ay tusaale u tahay kala jabka kooxda, isagoo intaas ku daray in kooxdan ay weli awood u leedahay inay weerarro ka geysato magaalada Muqdisho.

Eragaya oo la hadlayay shabakadda African Report wuxuu yiri: “Isi soo dhiibidda Sheekh Xasan Daahir waxay muujinaysaa cadaadis ka jira gudaha Al-shabaab. Laakiinse weerarradii ay bilihii ugu dambeeyay geysatay Al-shabaab waa kuwo muujinaya inay weli tahay koox awood leh”.

Mr. Ken Menkhaus oo ah Khabiir u dhashay dalka Mareykanka, ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay aqoon durugsan u leedahay marka la eego taariikhihii soo maray inay dib isku abaabusho, taasna ay tahay midda sababtay inay heerkan soo gaaraan.

Mr. Menkhaus wuxuu intaas raaciyey ee uu yiri: “Al-shabaab waxay awood u leedahay inay dib isku abaabusho oo ay ciidan ahaa dib isku dhisto, taasina waa mid keeni karta inay dhibaato ka geysato Soomaaliya”.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab oo horay u sheegtay inay ku biirtay Al-Qaacida ayaa waxaa lasoo gudboonaaday dib u dhac weyn tan iyo markii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya u aqoonsaday sannadkii hore uuna u ballanqaaday lacago deeq ah.

Balse waxay weerarro kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo isugu jira bambooyin iyo qaraxyo ismiidaamin ah ay muujinayaan in kooxdan ay weli tahay mid nool oo weerarro geysan karta.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: