Degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo Saakay barqadii ka dhacay qarax lala beegsaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Gaari qarxay.jpg1Qarax xooggan ayaa Saakay barqadnimadii ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, kasoo ka dhashay gaari ay wateen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo aysan jirin wax dhibaato ah oo xildhibaannada kasoo gaaray qaraxaas.

Gaari qarxayQaraxan oo ahaa mid ka dhashay miino lagu xiray gaariga ay xildhibaannadu wateen waxaana ku dhintay qaar ka mid ah ilaaladii gaariga la socday iyo dadka shacab ah oo goobtaas ku sugnaa, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray gaarigii.

Qof ka mid ah goobjoogayaashii ku sugnaa goobtii uu qaraxu ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta wuxuuna yiri: “Mar qura ayaan maqalay qarax aad xooggan wuxuuna ka dhacay meel ku dhow bacadlihii hore ee degmada Xamarweyne, baabuurka waxaa watay laba xildhibaan oo midkood uu ahaa Sheekh Aadan Mad-deer iyo mudane kale, markii ka dageen gaariga ayuuna qarxay”.

Sidoo kale qaraxaas waxaa ku dhintay hal qof oo rayid ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen toddoba qof oo kale oo rayid ah, balse lama oga khasaaraha soo gaaray ilaaladii xildhibaannadan ee gaariga saarnaa markii uu qaraxu dhacayay.

Dhanka kale ilaa haatan ma jirto cid sheegatay inay weerarkan ka dambeyso, balse mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeya weerarrada noocan oo kale ah inay ka dambeyso Al-shabaab oo dagaal kula jirta.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: