Ururka Midowga Yurub oo baaq u diray Wadamada deriska La ah Soomaaliya

european unionUrurka Midowga Yurub ayaa uga baaqay wadamada la deriska ah Soomaaliya inay ka qeybqaataan xasilinta iyo wada-hadallo siyaasadeed oo Soomaaliya ka dhaqan gala.

Warbixin uu soo saaray Ururka Midowga Yurub ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay wadamada dariska ah ka qaadan karaan nabadda, iyo horumarka Soomaaliya.

Waxaa kaloo warbixinta lagu xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dalalka dariska ah iyo beesha caalamkuba ay u dhiirrigeliyaan wada-hadallada siyaasadda iyo taageeridda dib u heshiisiinta oo ay diyaar u tahay inuu ka gacan siiyo Ururu-goboleedka IGAD.

Warbixinta Midowga Yurub ayaa waxaa lagu yiri: “Wada-shaqeyn gobol oo dhab ah kaliya door kama cayaareyso in Soomaaliya xal loo helo, balse waxay sidoo kale gacan ka geysanaysaa jawi xasilloon oo weyn iyo barwaaqo uu gobolku gaaro”.

Si kasta ha ahaatee,Ururka Midowga Yurub wuxuu soo dhoweeyay isbeddellada Siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, wuxuuna dowladda iyo baarlamaanka federaalka ah ku ammaanay dedaallada isbeddel doonka ah.

SomaliSwiss Bruxeles
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: