Guri ku yaala Degmada Wadajir oo saakay qarax dhacay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ka wada howlgal baaritaan ah.

Qarax-MuqdishoWar naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay uu qarax dhacay Guri ku yaala Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir, waxaana Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka wada howlgal baaritaan ah.

Sidoo kale waxaan lagu soo warramayaa in qarax uu ahaa mid aad xooggan, uuna ka dhacay Guri ku yaala xaafada Xalane ee Degmada Wadajir oo ku dhow xarunta ciidanka AMISOM ee xalane.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhexdhacay guri halkaa ku yaala, islamarkaana uu gurigaasi ahaa mid waxyaabaha qarxa lagu dhex diyaarinaye gurigaasi.

Inta la ogyahay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday hal ruux , waxaana jira dhaawacyo ka dhashay qarxaasi, balse aan la ogeyn tiro rasmi ah ee dhaawacaas.

Dhinaca kale dadka ag dhow guriga qaraxa uu ka dhacay ayaa saxaafadda u sheegay in gurigii qaraxa ka dhacay ay ku hareeraysan yihiin ciidanka Dowlada Soomaaliya, mana jirto cid halkaasi ka bixi karta, iyadoo ciidanku ay wadaan Howlgalo baaritaano ah oo la xariira sidii ay ku ogaan lahaayeen sababtii qaraxa uga dhacay gurigaasi iyo waxyaabihii ka dambeeyay in qarxaasi uu dhaco.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: