Kooxda Al-Shabaab oo falal Isugu Jira Dil, Afduub iyo Dhac ka wada deegaano katirsan Gobolka Hiiraan iyo dadka deegaanka oo wada abaabul ay kaga hortagayaan.

al-shabaabMaleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa falal isugu jira Dil, dhac iyo boob u geystay xoolo dhaqato ku nool deegaanka Goobo oo hoostagta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku caanbaxay dilalka Shacabka iyo dhaca hantida ummada Soomaaliyeed ayaa wixii ka dambeeyay markii ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Shacabka oo isbiirsanaya wiiqeen awoodoodii Militeri,  waxaa ay kordhiyeen cadaadiska ay ku hayaan ummadda ku nool deegaannada ay wali dalka kaga harsanyihiin tiiyoo ay sii dheertahay dhaca joogtada ah oo ay ku hayaan xoolaha dadka reer Miyiga ah.

Falkii ugu dambeeyay oo ay ku dhacaan xoolo nool ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Goobo oo hoos yimaada degmada Maxaas una jira masaafo dhan 22-km, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadkii raacatada ahaa ee xoolahooda laga boobay.

Warka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaadkaasi ay deegaanka Goobo ku dileen haweeney da’ aheyd,  halka ay afduubteen ilaa sagaal qofood oo xoolo raacato ah, iyagoo kaxeystay xoolo fara badan oo ay lahaayeen dadkaasi.

Dilka Dhaca iyo afduubka loo geystay dadkan xoola dhaqatada ah ayaa ka dambheysay kadib markii ay dhegaha ka fureysteen amar ay argagixisadu ku doonayeen xoolo baad ah, tanina waa mid kamid ah dhaqamada guracan oo ay ku caanbaxeen maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab.

Dadka ku nool deegaanka Goobo ayaa ka codsaday dowlada federaalka Soomaaliya iney ka dulqaaddo gafanayaasha ku naaxay hantida ummadda,  banneystana dhiigooda, kuwaas oo muujiyay sida ay u karaahsadeen ficillada ka baxsan Bani’aadanimada oo ay kula kacayaan arxan laawayaasha Al-Shabaab.

SomaliSwiss Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: