Qaramada Midoobay oo ka Walaacsan sharciga Saxaafadda ee dhawaan ay soo gudbiyay Xukuumadda Soomaaliya, Golaha Barmaanka.

UN_Office,_GenevaSida la wada ogsoon yahay waxaa ayaamahanba ay hay’ado Caalami ah ay ka walaacsanaayeen sharciga cusub ee la xiriira Saxaafadda ayaa haddana waxaa taas ku soo biirtay Qaramada Midoobay oo walaaca xooggan ka muujiyay sharciga qabyada ah ee saxaafadda Soomaaliya oo ay dhawaan ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya, iyagoo ku sheegay inuu yahay mid caqabad ku ah xorriyadda saxaafadda Soomaaliya.

Guddiga sare ee xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay (OHCHR) ayaa waxay soo saareen Warbixin oo lagu sheegay in sharcigan uu yahay mid xadidaya ilaha ay wararka ka helayaan suxufiyiinta iyo inaan la baahin Karin wax ka horimaanaya dhaqanka Soomaalida.

Afhayeenka xafiiska OHCHR, Rupert Colville oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Geneva ee dalka Switzerland wuxuuna yiri: “Mas’uuliyiinta Soomaaliya waxaan ku talinaynaa inay dib u eegaan sharciga qabyada ah ee saxaafadda, lana waafajiyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha dunida”.

Afhayeenku wuxuu sheegay in sharcigan looga dalbanayo inay soo gudbiyaan wariyeyaasha ilaha ay wararka kasoo xigteen, haddii uu ka yimaado wax muran ah, sidoo kalena shaqooyinka laga xayirayo wariyaha iyo hay’adda uu u shaqeeyo inta ay baaritaannadu socdaan.

Sidoo kale afhayeenka guddiga guud ee xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay wuxuu intaas uu raaciyey ee uu yiri: “Waxaan si aad ah uga xunnahay qodobbada sharcigan ku jira oo u muuqda kuwo si fudud loogu doonayo in loogu baabi’iyo xorriyadda saxaafadda dalka iyo xorriyadda hadalka Soomaaliya”.

Dhanka kale, Mr. Colville ayaa intaas ku daray in xukuumadda Soomaaliya ay weydiisanayaan inay ogolaato inay sameyso guddi sare oo wadatashi iyo dib u eegis dhab ah ku sameeya sharcigan inta aan loo gudbin baarlamaanka Somalia oo looga baahan yahay inay meel-mariyaan.

Mr. Colville hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Waxaan rumeysannahay in dib u eegista sharcigan ay u baahan tahay xilli ku filan oo laba bilood ah ugu yaraan, si loogu helo watashiyada iyo wax ka badalka sharcigan fursad wanaagsan”.

Afhayeenka OHCHR wuxuu sheegay inay ka walaacsan yihiin arrinta ku saabsan sameynta Golaha Saxafiyiinta Qaranka, kaasoo loo baahan yahay in xubnihiisu ay noqdaan kuwo lagu kalsoon yahay isla markaana ah kuwo madax-bannaan.

Si kasta ha ahaatee Ururka midowga suxufiyiinta caalamka IFJ, xiriirka ururrada shaqaalaha Afrika UTICU-Africa iyo ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF ayaa horay walaac midkan la mid ah uga muujiyay sharciga saxaafadda Soomaaliya ee ay soo gudbisay xukuumadda.

SomaliSwiss      Geneva

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: