Wasaaradda arrimaha dibada ee Ethiopia oo faahfaahin ka bixisay ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee magaalada Baydhabo,

Ambassador Dina MuftiDowladda Federaalka Ethiopia ayaa faahfaahin ka bixisay ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee magaalada Baydhabo,  iyadoo ku caddeysay iney sii wadi doonto la dagaalanka argagixisada Shabaab.

Ambassador Dina Mufti oo ah Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada ee dowlada Ethiopia ayaa u sheegey wakaalada wararka u faafisa faransiiska ee AFP in qorshahaasi uu ahaa mid horey uu u jiray ayna markasta qorshaynaysay Ethiopia  in magaalada Baydhabo ay ku wareejiyaan dowlada Soomaaliya maadaama ay ka saareen kooxda Shabaab.

‘’Waxaa jiray qorshe ah in Ethioa sanad kan ay soo afjarto howlgalkeedi Soomaaliya.  taasi oo saldhig u ah in aanu jirin quwad military oo shabaab ay dad ku soo weerari karto,  ayadoo la xaqiijinayo isbedel iyo horumar, ‘’Ayuu yiri  Sarkalkan u hadalay wasaarada arimaha dibada ee Ethiopia.

Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bokool Ciidanka Ethiopia ayaa  horey uga baxeen Ciidanka Ethiopia, ayadoo wixii xiligaasi ka dambeeyaayna ciidanka qalabka sida ay bilaabeen sidii ay u sameyn lahaayeen difaac adag oo ka dhan ka argagixisada Alqaaida.

Hase yeeshee hadalka ka soo yeeray xukumada Adis’abaaba ayaa ka dambeyay wax yar un kadib markii ciidanka militaarka Ethiopia ay faarujiyeen fariisimo miletary oo ay ku lahaayeen magaalada Baydhabo, waxeyna  wasaaradda arimaha dibada ee dowlada Ethiopia  sheegtey in ciidankoodi ay ka baxeen Baydhabo Ammaankana lagu wareejiyay ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM.

SomaliSwiss      Addis Ababa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: