Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay eedeymo gudiga kormeerka QM u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, taasoo ah in malaayiin lacag ah lagu bixyay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday magaalada Muqdisho uuna ku guukeystay madaxweynaha hada talada haaya ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Eng. C/raxmaan Cumar Yariisow oo ah Afhayeenka madaxtooyada Somalia ahna lataliyaha Madaxweynaha ayaa ka hadlay eedeynta loo soo jeediyay madaxweynaha ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin in Bulshada loo soo bandhigo wax aan sal iyo raadna toona laheyn.
Sidoo kale Eng. Yariisow ayaa sheegay in ficilada nuucaan oo kale ah ay qatar ku yihiin waxqabadka iyo shaqada ay haatan ay hayso dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuuna intaas uu raaciyey “Dowlada Soomaaliya Baaritaan dheer ayay ku sameyneysaa arintaas, waxayna ka bixin doontaa jawaab rasmi ah”.
Sida lagu sheegay warbixinta Gudigan dabagalka u qaabilsan QM in lacago fara badan oo dowlada Qadar ay bixisay loo adeegsaday doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho, si loo doorto Xasan Sheekh oo haatan ah madaxweynaha Soomaaliya.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.