Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa Codsi u diray Qaramada Midoobay si Bankigu loogu Sameeyo baritaan madax-banan, si loo xaqiijiyo warbixintii ay soo jeediyeen kooxda QM ee dabagalka arimaha Somalia iyo Eretria ay Bankiga ku eedeyen in lacag sharci dara ah laga baxay Bankiga.
Sida ay warbixinta ay ku sheegeen Kooxda Monitoring Group in lacago sharci dara ah lagala baxay Baniga dhexe ee Soomaaliya eedeynaatasi oo si toos ah u taabatay Gudoomiyaha Bankiga dhexe Soomaalya.
Mudane Cabdi Salam Cumar ayaa markii loo soo jediyay eedeyntasi iska fogeeyay wuxuuna ku tilmaamay warbixinta kooxdasi inay tahay mid aan sal iyo raad laheyn.
Sidoo kale Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya wuxuu warqad u diray ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud QM ugu qaabilsan arimaha Somalia Nicholas Kay ayaa waxa uu u sheegay in eedeynta Bankiga kaga timid quburada QM ay carqalad ku tahay dadaalada ku aadan dhisisa xafiisyada Bankiga taasi oo keeni karta sido kale in laga laabto kalsoonida,warbixintaani waxa heshay wakaalada wararka ee Reuters.
Gudoomiyaha Bankiga Mudane Cabdi Salam Cumar ayaa warqadiisa kaga Codsaday Qaramada Midoobay in baritaan hufan oo madax bananan dabagal loogu sameeyo warka ay soo saareen kooxda Monitoring Group.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.