Ra’iisul wasaare Saacid: “Heshiiska Istanbuul waa talaabo loo qaaday dhanka dib u heshiisiinta iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.”

Golaha_WasiiradaGolaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta oo khamiis ah soo dhaweeyeen heshiiskii ay guddiyadii ka socday Soomaaliya iyo Somailand ay ku kala saxiixdeen toddobaadkii hore magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Waxaa Kulankan  shir guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana looga dooday qodobbo uu ka mid ahaa heshiiskan oo 10-kii bishan July ku dhex maray dawladda Soomaaliyeed iyo Somaliland magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxayna dood dheer iyo falan-qeyn kafdib  si buuxda u soo dhaweeyeen heshiiskaas.

Ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon oo heshiiskaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Heshiiskan waa talaabo loo qaaday dhanka dib u heshiisiinta iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.“

Heshiiskan ayaa lagu taageerayay heshiiskii bishii May ay dawladda Soomaaliya kula soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya iyo qaabkii farsamo ee loo maareyn lahaa maamulka duulimaadyada hawada dalka.

Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dowladda ayaa warbaahinta siiyey warbixinta  shirka Golaha wasiirrada dowladda, sidoo kale wuxuu sheegay in goluhu ay ka hadleen ammaanka dalka sidii loo xoojin lahaa iyo sidii loo fududeyn lahaa mushaaaraadka ciidamada qalabka sida, si kor loogu sii qaado sugida amniga dalka.

Dhanka  kale, afhayeenka ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay magacaabeen taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed iyadoo loo magacaabay Jeneraal Xuseen Xasan Cismaan oo horay u ahaa taliye ku-xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana soo jeedinta lahaa wasiirka garsoorka iyo cadaalada, Cabdullaahi Ebyan Nuur.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: