Afhayeenka AMISOM oo sheegay in Amisom ay ka go’an tahay xaqiijnta ammaanka shacabka ku nool Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Amisom Col_-XaamudAfhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in AMISOM ay waddo qorshe ay ku doonayso sidii xasillooni loogu soo dabaali lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib dagaallo dhowr jeer oo hore ku dhexmaray dhincyo iska soo horjeeda.

Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in ciidamadooda ay wadaan qorshayaal ay dib ugu xasilinayaan magaalada Kismaayo, isagoo xusay in qorshahan uu qayb ka yahay sidii lagu xaqiijin lahaa amniga dadka ku nool magaaladaas iyo hantidooda.

Afhayeenka ma soo hadal qaadin ciidamada Amisom ee Kismaayo ku sugan oo ka socda dalka Kenya oo dowladu ay cabasho ka muujisay howsha ay halkaas ka hayaan, ayaa haddana sheegay in go’aankooda uu yahay inay ka shaqeeyaan sidii shacabka Kismaayo ay u heli lahaayeen nabadgelyo iyo horumar.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray  ee uu yiri: “AMISOM waxay jeceshahay inay ilaaliso nabadda shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Kismaayo iyo agagaarkeeda, waxaana mar walba u taagan nahay sidii aan ugu hiilin lahayn shacabka Soomaaliyeed ee walaalaheena ah”.

Sida la wada ogsoon yahay magaalada Kismaayo waxaa ku dagaalamay hoggaamiyeyaal isku haysta madaxnimada maamulka Jubbaland ayaa waxaa hadda gacanta ku haya ciidan beeleed ka amarqaata Sheekh Axmed Madoobe, iyadoo xubnihii laga saaray magaaldaas qaarkoodna ay joogaan Muqdisho.

Sidoo kale, hadalka Col. Xumad ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhawaan dacwad ka dhan ah ciidamada Kenya u dirtay ururka Midowga Afrika inkastoo aan weli wax jawaab ah laga bixin warqadda cabshadaha ee dowalddu ay dirtay.

SomaliSwiss            Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: