Wafdigii Baarlamaaniga ahaa ee Booqanayay Wadanka Ingiriiska oo Soo Nairobi Gaaray.

Wafdiga-Baarlamaanka-Lodon.jpg1Wafdi  Baarlamaaniga ahaa ee ka socday Soomaaliya ee uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka ayaa soo gebagebeeyay socdaal shaqo oo ay ku joogeen magaalada London halkaasi oo ay kulammo kala duwan kula qaateen madaxda iyo Xildhibaannada Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka UK ayaa waxay Wafdigii Barlamaanka Soomaaliya ka socday ay u sameeyeen xaflad sagootin ah oo xalay lagu qabtay  magaala London waxayna fiidnimadii xalay soo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Marwa Qadiijo Maxamed Diiriye oo ah Gudoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Caruurta  ayaa Warbaahinta u sheegtay in kulamadii wafdigu ay kula soo qaateen dalkaasi madaxda iyo xildhibaannada Boqortooyada Ingiriiska ay ahaayeen kuwo ay ka soo baxeen natiijooyin wax ku ool ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen sidii labada Baarlaman ay u yeelan lahaayeen wada shaqeyn joogta ah.

Gudoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka  oo hadalkeeda sii wadata waxay tiri: ‘’Waxaan la kulanay baarlamanka Ingiriiska iyo gudoomiyaha aqalka sare iyo xildhibaannada xisbiga muxaafidka iyo kan mucaaradka dalkaasi,  waxaan kaloon la kulanay gudiga arrimaha dibadda,  wuxuuna ahaa safar aad iyo aad u muhiim ah waxaana la kulanay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalkaasi’’.

Ugu danbeyntii Xildhibaanad Qadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxay Safarkooda ku tilmaantay inuu ahaa mid ay ka soo baxeen natiijo wanaagsan oo wax tar u leh howlaha Barlamaanka ummadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: