Shirkii Dhaqaalaha iyo Maal-gashiga Soomaaliya oo lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Nairobi .

Somali Economic.jpg2Waxaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ka socda shir looga hadlayey dhaqaalaha dalka soomaaliya ayaa lagu soo gabgabeeyay shalay oo Axad ahayd, waxaana si aad ah looga hadlay maal-gashiga Soomaaliya, waxaana shirkaas ka soo qaybgalay ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo ajnabi ah.

Somali Economic.jpg3

Shirka waxaa isku soo duway Koox la maga baxday Somali Economic Forum, waxaana shirkaas lagu tusaaleeyay maal-gashadaayasha ajnabiga ah iyo kuwa Soomaalida ahba si fursadaha ka bannaan Soomaaliya xilligan oo ay nabadgelyo ka jirto.

Mudane Xasan Muuse Dudde oo ah Agaasimaha Somali Economic Forum ayaa wuxuu  shirka hadal kooban ka jeediyay wuxuuna sheegay inay doonayaan in Soomaaliya laga kaalmeeyo dhinacyada ay dadkeedu u baahan yihiin sida beeraha, kalluumaysiga iyo xoolaha nool oo Soomaaliya ay hodan ku tahay, wuxuuna u mahadceliyay ganacsatada gudaha oo uu sheegay inay dalka ka sameeyeen maalgashi aad u wanaagsan.

Waxaa Shirkan laga soo saaray talo-bixin ku wajahan maal-gashadayaasha Soomaalida iyo ajnabiga ah iyo sidoo kale talooyin loosoo jeediyay dowladda Somalia oo ku saabsan sida ay u soo dhoweyn lahayd ganacsatada doonaya inay dalka ku sameystaan maal-gashi ballaaran.

Somali Economic.jpg1Sida la wada ogsoon yahay waxaa dhawaan golaha baarlamaanka Somalia ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen sharciga maal-gashiga dalka, kaasoo in muddo ah la sugayay, waxaana arrintaas aad u soo dhaweeyay shirkadaha ajaanibta ah ee doonaya inay Soomaaliya maal-gashadaan.

Sidoo kale Soomaaliya waxaa hadda ka jira dowlad rasmi ah oo geli karta heshiisyada caalamiga ah, waxaa dib u soo noqday nabadgalyadii caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo laf dhabar u ah isku xirka ganacsiga dalka iyo maal-gashiga, iyadoo lagu howlan yahay sidii maalgashi loogu sameysan lahaa Soomaaliya.

Dhinaca kale Shirkadaha caalamiga ah ayaa waxay indhaha ku hayaan Soomaaliya si ay maal-gashi ugu sameystaan, iyadoo sidoo kalena shir midkan ka horreeyay lagu qabtay bishii lasoo dhaafay magaalada Nairobi, kaasoo looga hadlay sidii loo maalgashan lahaa Soomaaliya.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: