Ururka Midowga Yurub Oo sheegay inuu bixinaayo Lacago wax Looga Qabanayo nafaqo darrida heyso Caruurta Soomaaliyeed.

EuropeanUrurka Midowga Yuruub ayaa sheegay in lacag gaarayso 4.5 Milyan oo Euro ay siinayo  hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan daryeelka caruurta ee UNICEF  si wax looga qabto Caruurta Soomaaliyeed ee la ildaran nafaqa darrida.

logo-unicef

 

Warbixin laga soo saaray Xafiiska Hay’adda Ururka Midowga Yurub uga qaabilsan dhanka Bani’aadanimada ayaa lagu sheegay in 4.5 Milyan oo Uro oo u dhiganta in ka badan 5 Milyan oo Dolarka Mareykanka ah ay ugu yaboohayaan hey’ada UNICEF si loogu caawiyo caruurta Soomaaliyeed ee u geeriyooneysa nafaqo darida.

Sida ay sheegtay Hay’adda Ururka Midowga Yurub uga qaabilsan dhanka Bani’aadanimada in caruurta ku dhaqan Soomaaliya 14% oo u dhiganta 1;5 Milyan oo ah caruurta Soomaaliyeed ee da’doodu ka hooseeyso Shanta sano ay la ildaran yihiin nafaqo daro iyo xanuuno kala duwan oo shubanku ka mid yahay.

Sidoo kale Warbixin ay soo saaratay hey’ada UNICEF ayaa lagu xusay in caruur Soomaaliyeed oo aad u farabadan ay xiligan la ildaranyihiin xanuuno kala duwan iyadoo beesha caalamka ka dalbatay gurmad deg deg ah oo lala soo gaaro caruurta Soomaaliyeed.

SomaliSwiss         Genve

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: