Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Warbixin ka bixiyay Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qarax.jpg2Taliska booliiska Soomaaliya ayaa ka warbixiyay weerarkii qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu beegsaday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana taliyuhu uu sheegay inay baaritaanno ku hayaan gaarigii loo isticmaalay qaraxaas iyo ciddii iska lahayd.

Jen. Maxamed Yuusuf Madaale oo ah  Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya, ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay ka dambeysay Al-shabaab oo la doonayay in lagu dhibaateeyo ciidamada AMISOM, balse dad badan oo rayid ah ay khasaare kasoo gaartay.

Afhayeenka ciidanka booliiska oo arrintaa ka hadlayey wuxuu yiri: “Weerarku wuxuu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyay nin watay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana uu dhexda ka galay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM, ma jirto khasaare gaaray ciidamadii; laakiin wuxuu saameyn ku yeeshay goobo ganacsi, waxaana ku dhintay weerarkaas shan qof oo uu ka mid ahaa askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka”.

Jen. Maxamed Yuusuf Madaale ayaa wuxuu sheegay in weerarkaas ay ku dhaawacmeen 15-qof oo 10-qof oo ka mid ah ay dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus iyo shan kale oo dhaawacydoodu fudud yihiin kuwaasoo uu ku jiro wariyihii BBC-da.

Sidoo kale, Afhayeenka oo sii wata hadalkiisa wuxuu sheegay in taliska booliiska uu ku howlan yahay sidii uu u baari lahaa weerarradii ka dhacay Muqdisho oo dhan si ay u xaqiiqsadaan goobaha laga soo abaabulo weerarradan iyo dadka gacanta ka geysta.

Afhayeenku wuxuu sheegay inaysan jirin khasaare  ciidamada AMISOM kasoo gaartay weerarkaas, ayaa haddana afhayeenka u hadla ciidamadan wuxuu sheegay inay laba askari oo ciidamadooda ka mid ah ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen weerarka.

SomaliSwiss         Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: