Ergayga Qaramada Midoobay eeuga qaabilsan Soomaaliya oo maanta booqasho ku tagay Xarunta maamulka Puntland ee Garoowe.

Erayga_UN_PuntlandErgeygga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay, Nicholas Kay ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka  Puntland, taasoo ahayd booqashadii ugu horreysay ee Kay uu ku tago Puntland oo ka mid ah maamullada dalka ka jira ee taageersan dowladda Soomaailya.

Mr.Nicholas Kay ayaa la kulmay madaxweynaha maamulka Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas, isagoo kala hadlay howlgalka cusub ee Qaramada Midoobay oo la billaabay 03-dii Juun ee sannadkan.

Sidoo kale Ergaygu wuxuu maamulka iyo shacabka Puntland uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxriisee Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo Qardho lagu aasay toddobaadkii lasoo dhaafay.

Mr. Kay ayaa madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole u sharraxay howlaha xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, kaasoo uu sheegay in howshiisu ay tahay in la taageero dhisidda iyo tayada Qaranka Soomaaliyeed, nabadda, maamul wanaagga, di-bu-habaynta amniga, ku dhaqanka sharciga iyo sidoo kale  xuquuqda aadanaha.

Ergaygu wuxuu sheegay in howshooda ay ka mid tahay sidii ay uga shaqeyn lahaayeen dhexdhexaadinta iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed ee gargaarka caalamiga ah ee Soomaaliya ay hesho dunida.

Dhanka kale Ergayga intuu uu joogay Puntland wuxuu ku wareegay xafiisyada UNDP u dhistay Xeer-ilaaliyaha guud iyo guddiga garsoorka Puntland, iyadoo mashruucan uu qayb ka ahaa mashaariicda loogu fududeynayo maamulka cadaaladda. 

Waxaa kaloo uu Ergaygu, la kulmay guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas, bulshada rayidka ah iyo guddiga KMG ah ee doorashooyoinka Puntland. Isagoo sheegay inuu rajeyanyo inay doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland ay noqdaan kuwo si nabad ah ku dhaca.

SomaliSwiss         Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: