Gaadiid ay Wateen Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo Qarax Ismiidaamin ah lagula beegsaday Magaalada Muqdisho

QaraxWar goor dhoweyd naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar Ismiidaamin ah lala beegsday gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay agagaarka xarunta hay’adda UNDP ay ku leedahay Muqdisho, iyadoo weerarkaas ay ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.Qarax.jpg1

Sida lagu soo warramay gaari waxyaabaha qaraxa oo laga soo buuxiyay ayaa hoosta ka galay mid ka mid ah gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM, iyadoo ay ku dhinteen lab aka mid ah ciidamadii AMISOM ee gaariga la socday tiro kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen.
Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo saxaafadda la hadlay ayaa xusay in laba ka mid ah ciidamadooda ay dhaawacyo kasoo gaareen weerarkaas, gaarigii ay la socdeenna ay taayirrada ka qarxeen.

Qarax.jpg2

Qof goobjooge ahaa oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamed ayaa sheegay in gaariga AMSIOM uu qaybta dambe ka gubtay, ayna sidoo kale qaraxa ku gubteen dukaammo ku yaalla waddada dhinaceeda, halkaasoo ay ku sugnaayeen dad doonayay inay ka adeegtaan, iyadoo halkaas ay ku dhinteen ku dhow ku dhow 10-qof oo shacab ah.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo lala beegsado gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayay gudaha Muqdisho, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli ay Al-shabaab ku habjabtay inay kordhin doonaan weerarrada ismiidaaminta ah ee ay la beegsanayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Ciidamadii AMISOM ee qaraxa lagu weeraray iyo kuwii dowladda ayaa goobta ka tagay iyadoo halkaas ay ku sugan yihiin dadweynaha isku dayay inay dambiyaan dab xooggan oo ka dhashay qaraxa, waxaana weli goobta yaalla maydadka dadkii shacabka ahaa ee ku dhintay goobtaas.

Sida la wada ogsoon yahay bishii hore ayay ahayd markii weerar ismiidaamin ah oo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ay Al-shabaab la beegsatay xarunta ay hay’adda UNDP ku leedahay Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: