Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo Howlgallo Lagu xaqiijinayo Ammaanka Ka Wada Gobollada Shabeele Hoose iyo Dhexe.

 

???????????????????????????????Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay howlgallo lagu baadi goobayo haraadiga Al-shabaab ka wada deegaannada hoostada gobollada Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe, kaasi oo ay si weyn ugu riyaaqeen shacabka labadaasi gobol ku dhaqan.

???????????????????????????????Howlgalka oo maalintii afaraad galay ayaa lagu tilmaamay inuu Weji cusub oo hor leh  lahaa, kaasi oo ka socday  deegaano iyo tuulooyin ka kala tirsan gobollada Shabeellooyinka, Ciidamada gaaska koowaad iyo saraakiishood oo saf balaaran ku jiray ayaa isku fidiyey deegaanno hor leh oo ku yaala gobolka Shbeelaha Hoose, gaar ahaan tuulada Basra halkasi oo la sheegey in shabaabku ay uga soo talaabi jireen dhanka Muqdisho ayagoo isticmaalaya doomon yar oo nuuca laashka loo yaqaano.

Ciidamada xoogga dalka oo si taxadir iyo feejignaan ku jirto ay ku gaafwareegay webiga ku xeeran deegaanka Basra, iyadoo dadka deegaanka ay Warbaahinta Qaranka u sheegeen in kooxaha falaaga ah ee Al-shabaab xiliyada habeenkii ay tulooyinka qaar si dhuumaalaysi ah ku imaan jireen,  balse ay ka cararaan marka ay dareemaan dhaq dhaqaaqyada ciidamada Milateriga oo deegaannaadaasi ka howlgalla.

???????????????????????????????Taliyaha Gaaska Koowaad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabdulaahi Cali Caanood ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay webiga jiinkiisa ka warbixiyey xogaha ku saabsan isticmaalka doomaha laashashka ah oo ay sida dhuumaleysiga ah u adeegsadaan maleeshiyaadka shabaab

Sidoo kale Jeneraal Caanood wuxuu sheegey in howlgalladu ay ku sii fidin doonaan dhammaan gobollada dalka, ilaa inta laga cirib tirayo haraadiga maleeshiyaadka xiriirka la leh Al-qaacidda

Dhanka kale Guddoomiyaha maamulka gobolka shbeelaha hoose C/qadir Maxamd Nuur Siiddii ayaa soo dhaweeyey howlgalkaasi maadaama si isku mid ah ay uga socdaan shabeelooyinka xilli  maanta uu degmada afgooye kula kulmay saraakiisha gaaska koowaad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Si kasto ha ahaatee Kooxda shabaab oo looga itaalka roonaaday dagaalladii ay ka wadeen dalka ayaa u bedeshay  in ay ku dhuumaalaystaan beeraha dhexdooda ah, kuwaasi oo marar qaar jidka u gala gaadiidka halkaasi ku safarta.

SomaliSwiss           Afgooye

SimaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: