Wadahadalladii Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka G/Woqooyi ee Soomaaliya oo la soo gabagabeeyey.

wadahadallada.jpg1Wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Maamulka G/Woqooyi ee  Soomaaliya uga socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa xalay la soo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray qodobbo dhowr oo labadii guddi ay isku afgarteen, inkastoo ay jiraan qodobbo la isku fahmi waayay oo dib loo dhigay ka hadalkooda.

Qodobbada la isku afgartay oo ahaa saddex qodob ayaa waxaa ka mid ahaa:

* In la sameeyo guddi ka kooban labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay maamulaan hawada Soomaaliya, kuwaasoo saldhig ka dhigan doona magaalada Hargeysa.

* In wadahadallada lasii wado lagana ilaaliyo wax walba oo caqabad ku keeni kara iyo in 120 maalmood gudahood ay isugu yimaadaan shir kale.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya, Mudane  C/kariin Xuseen Guuleed oo warbahainta la hadlayey ayaa wuxuu yiri: “Heshiis ayaan gaarnay innaga iyo guddigii Somaliland ka socday, qodobbo dhowr ah ayaana ku hehsiinnay, kuwa kale oo aan la isku afgaranna waxaa loo dhigay shirarka dambe in laga hadlo. Waxaana isla garanay inaan dib ugu laabanno wadatashiyo mar kalena la isku yimaado“.

Sidoo kale, Mudane Maxamed C/llaahi Cumar oo u hadlay   Maamulka G/Woqooyi ee  Soomaaliya  ayaa wuxuu saxaafada u sheegay inay labada dhinac isku afgarteen qodobbadii laga hadlay qaarkood sida maamulka hawada Soomaaliya, waxaana isla garanay in lasii wado wadahadalada qodobbada aan la isku afgaranna shirarka kale looga hadlo.

Mudane Maxamed C/llaahi Cumar oo sheegay in Labada geesood ay ka muuqatay walaalnimo intii wadahadalladu socdeen iyo inay diyaar u yihiin in wadahadalladu sii socodaan, qodobbadii maanta la isla garan waayayna wadatashiyo kaddib looga hadlo shirarka soo socda.

Qodobbada la isku mari waayay ayaa waxaa ka mid ah:

* in shirarka labada dhinac ee dibadda lagu qabanayo in loo wareejiyo gudaha dalka sida in lagu qabto Muqdisho ama Hargeysa.

*  In midnimada Soomaaliya la xoojiyo.

Sida la wada ogsoon yahay Wadahadalladan ayaa ahaa wajigii labaad oo dhinaca Soomaaliya iyo  Maamulka G/Woqooyi ee  Soomaaliya  ay ku yeeshaan dalka Turkiga ayaa waxay qayb ka ahaayeen qorshayaal lagu doonayo in dhinacyadan ay uga hadlaan ayaaha mustaqbalkooda.

SomaliSwiss         Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: